Laba Wasiir iyo wasiirro xigeenno ay weheliyaan xubno ka socda golayaasha dawladda oo dhammaantoodba ka soo jeeda beelaha Makaahiil ( Samarroon ) ee gobolka Awdal, ayaa muddo maalma ahba iyaga oo ku sugan Borama, ku mashquulsanaa sidii ay u baabi’in lahaayeen wada tashiga curdinka ah ee ay beelaha Makaahiil ( Samarroon ) baryahanba ka wadaan gobollada galbeedka.
Wasiirradaasi, oo hawsha ka bilaabay jufooyinkooda hoose ayaa ugu horreynba loo arkay in ay fashilan yihiin, waxase u suurta gashay in ay la kulmaan odayada iyo dhallinta qaar, waxana ay isku dayeen in ay ka dhaadhiciyaan sida aan xilligan loogu baahnayn, midnimo Makaahiil amma in ay taageero u fidiyaan Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani.
Laakiin waxa ay shirarkoodaasi kala kulmeen ceeb, fadeexad iyo su’aalo aanay ka jawaabi karin. Waxgaradkii ay la kulmeenna waxa ay si cad ugu sheegeen, in ay shaqaale u yihiin xukuumadda, wax ay dadka ku soo kordhin karaanna aanay jirin. Wasaaradaha ay hayaanna ay yihiin kuwo aan dadkooda u cuntamin iwm. Jawaabaha ay ku difaacayeen doodaha lagala hor yimidna waxa ay noqdeen kuwo dadka ku sii riixa in ay mucaaridka aad u taageeraan. Si cadna waxa ay ugu sheegeen in aanay rabin in beelaha Makaahiil hoos iman beelo ay iska bidayaan amma la siman. Taageero ay Zaylici iyo shakhsiyaadka uu wato ay u fidiyaanna ay tahay mid aanay marnaba diyaar u ahayn. Waxa kale oo ay hoosta ka xarriiqeen in ay midnimada Makaahiil aanay danbi ahayn, isla markaana ay ka go’an tahay in dhisaan.
Haddaba dhawaan ayey ahayd markii ay magaalada Borama yimaaddeen wafdi Kulmiye ah oo ay hoggaaminayeen Madaxweyne xigeenka Somaliland Zaylici iyo Muuse Biixi, isla markaana ay galbinayeen wasiirro ka soo jeeda jufooyinka Maxad Case iyo Habar Cafaan, isla markaana uu dhexda ugu jiro wasiirka xilligan ugu culus wasiirrada oo ah Wasiirka Madaxtooyada Maxamud Xaashi.
Kulanka ay wafdigaasi si gaar ula yeesheen Beelaha Habar Cafaan ayaa waxa si aan qarsoodi lahayn, loogu shaaciyey in ay Beelahaasi go’aansadeen in ay ku biiraan Kulmiye. Shaacintaasi waxa gadhwadeen ka ahaa hoggaanka dhaqanka, waxgaradka beelahaasi iyo siyaasiyiinta beelahaasi. Waxana arrintaasi aad u soo dhaweeyey reeraha ku bahoobay xisbiga Kulmiye oo ay ka mid yihiin beelaha Maxad Case ee uu ka soo jeedo Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland.
Kulankan beelaysan ee lagu faquuqayo beelaha Makaahiil ayaa uu Madaxweyne Xigeenka Somaliland ku tilmaamay hawl qaran oo loo baahnaa, guulna ay u tahay Jamhuuriyadda Somaliland. Sidoo kale waxa hadallo dareen badan kiciyey madashaa ka jeediyey Maxamuud Xaashi oo ah wasiirka Madaxtooyada, kuna gooddiyey in ay beeshu ka mid noqon doonto kuwa u taliya Somaliland. Beelaha aan sidan yeelinna la faquuqi doono.
Is beelaysiga beelaysan ee noocan ah ayaa ah mid ujeeddadeedu tahay caymis ( Insurance ) lagu sugayo ammaanka, dhaqaalaha, horumarinta ganacsiga iyo adeegga qoyska iyo beelaha is-bahaysanaya oo ka badbaada in cagta hoosteeda la geliyo, kuwa kalena loo taliyo. Reerkii caymis weyn helaana ay sugi karaan in ay kaalin mug leh ku yeeshaan talada xukuumadda iyo awoodda dadka loogu talinayo. Shacabka oo taasi niyadda ku haya, ayaa muddadii lixda sano ahayd, waxa ay quus ka qaadeen xisbiga talada haya ee kala qaybiyey bulshooyinkii reer Somaliland, immigana beenta uga dhex ololaynaya. Wasiirrada hambada ah ee aan awood iyo dhaqaale midna ku haysan xukuumadduna ay yihiin kuwo xilligan ka faa’iidaysanaya sandareerada ololaha doorashada.
Isku soo wada duuboo, siyaasadaha qaybi oo xukunka ah ee ka aloosan guud ahaanba Somaliland, gaar ahaanna gobollada galbeedka ayaa maalinba maalinta ka sii danbaysa ku sii xoogaysanaya shacabka. Xukuumadda iyo xisbul xaakimkuna waxa ay dadka kula dhex jiraan siyaasado qaawan, oo ay weliba u adeegsanayaan dhaqaale ay ku kala eryaan shacabka iyo hoggaanka shacabka.
Hadal iyo gaba gabo, waxa aan shaki ku jirin in shacabka reer Somaliland iyo ka Awdalba ay fahamsan yihiin in reer hebel……. la hoos geeyo reer hebel….. iyo qabyaalad ay Siyaasadda Dawladnimo ee Somaliland ku baabi’ i doonto haddii aan laga leexin dariiqaasi. Sidoo kale shacabku ma mooga waxa ay yeelayaan, cid kasta oo u olalaysa si cunfi ah amma isku daya in ay shacabka ku shukaansadaan laaluush iyo xaaraan amma qabiil ay u kala qaybiyaani aanay u noqonayn siyaasad ay ku najaxaan. Shacabkana waxan leehay, lacagta la idinku laaluushayaa waa lacagtiinnii ee qaata, waxa aad yeelaysaanna waa idiin caddahay.
Wasiirrada Borama loo soo diray ee lagu yidhi, haddii aydaan beelihiinna Makaahiil ( Samaroon ) midaynayn soo qaybiya, ee loo soo dhiibay lacagtana waxan leehay, horta lacagta siiya dadka masaakiinta ah ee idin hoos boodaya, markhaatina u yeela, laakiin inta aad jeebka ku shubataan, af-madhan ha la hor fadhiisannina.
Ahmedweli Goth






