Awdalpress – Borama – Shacabka dega Borama iyo guud ahaanba gobollada galbeedka gaar ahaan magaalada Borama iyo nawaaxigeeda waxa baryahan ka socda olole uu xisbiga Kulmiye ka wado jiidahaasi. Tuhunka dadku ay qabaanna waxa uu daarran yahay in wasiirrada loo soo diray ay dadka u wadaan lacag xad dhaaf ah. Shirar gaar gaar ahna waxa ay mas’uuliyiintaasi la gelayaan odayaal iyo waxgarad fara madhan, oo ay in badani u habranayaan madaxdaasi amma ay is leeyihiin billee wax yar la idinku soo tuur. Laakiin mas’uuliyiintaasi lagama hayo qof ay $300.00 u fiiqeen.
Waxa arrintaasi ka daran sida ay dad badani uga dideen markii ay sheekada uga billaabeen, sidii ay tafaraaruq uga dhex abuuri lahaayeen beelo is abaabulay, oo shirar iyo hoggaan yeeshay. Halka ay beelahaasi ka sugayeen in ay wada jirkooda ilaaliyaan, isku soo ururkoodana qaybtooda ka qaataan.
Markii ay jilib jilib ula shereen dadka ayaa wasiir kastaa reerkii uu la shiray ay mid walba kala kulmeen weji gabax iyo maxaad noo haysaan? kadibna shacabkii markii ay ku qanci waayeen, waxa ay door bideen in ay ka fogaadaan beenta iyo ololaha madhan ee aan dufanka lahayn.
Arrintaasi maaha mid lala yaabo, oo waa sida ka jirta dalka, siyaasiyiinta Kulmiyana ay ku ololeeyaan. Halka ay siyaasiyiinta Waddani dadka u sharxaan barnaamijkooda iyo in ay caddaalad ku maamuli doonaan dalka.
Awdalpress.com




