Awdalpress – London – Warbixin mug leh oo aad uga warramaysa sida loo gurto macdanta Siimoodi, ee ay ku heshiiyeen Wasiirka Macdanta iyo shirkad uu leeyahay nin Chines ah oo buurta Siimoodi ka faqa macdan aad u badan oo gaadhaya malaayiin doller, dadkii iyo xoolihii dhulkaa ku noolaana ay xanuunno ugu dhinteen bukhuurkii ka soo baxayey warshado lagaga shaqeeyo macdantaasi.
Waa markii koowaad ee warbixin muuqata oo markhaati leh, laga sameeyo shirkaddan, waxana muuqaalkan ku cad sida loo kala dillaalo macdantan, ee aanay shacabka reer Somalilandna aanay war uga hayn.
Si kastaba ha ahaatee, waxa ay warbixintani sahlaysaa in arrintan laga sameeyo dacwad caalami ah, oo loogu hiilliyo shacabka u baahan khayraadka ay ka lacagaysanayaan shakhsiyaad ajnabi ah iyo kuwa u adeega.
Fiiro gaar/
Cid kasta oo arrintaa dareen ka qabtaa, hannoo soo gudbiso qoraal ay ku soo qorayaan english, French iyo afafka kale ee caalamiga ahba. Waxanad noogu soo hagaajisaan cinwaanka e-mailkayga ah ee. ( shueebi@hotmail.com )
Awdalpress




