Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Qarax ka dhacay Muqdishu Makhaayad ku taala ?

$
0
0

Awdalpress(Muqdishu) 07, Jan,2017– Wararka ka imanaya magaalada Muqdisu ayaa sheegaya in goor dhowayd qarax xooggan uu goor dhowayd ka dhacay goob maqaayad ah oo u dhow fagaaraha Tarabuunka ee degmada Hodan.

Warar aanu ka helnay dad goobjoogayaal ah ayaa VOA u sheegay inay qaraxyadaasi ku dhinteen 3 qof, 17 kalena ay ku dhaawacmeen. Dadka dhintay ayaa la sheegay inay ku jiraan ciidamo ka tirsan dawladda oo ku sugnaa saldhig halkaasi u dhow.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxyadaasi ay ka dhasheen bambooyin kuwa gacanta ah, halka warar kalena ay sheegayaan inay ka dhasheen walxaha qarxa oo halkaasi lagu aasay.

Maqaayadda la beegsaday ayaa la sheegay inay fadhiistaan ciidamada dawladda Soomaaliya. Rasaas ayaa la maqlayey kadib qaraxyadaasi dhacay.
VOA


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images