Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Xukuumadda Somaliland ma xal bay u aragtaa in ay shirkadaha ZAAD iyo E-DAHAB fara geliso, si ay u xakamayso sicir bararka iyo dollerka cirka isku shareeray?

$
0
0

Awdalpress – London – Maalintii shalay ahayd waxa kulan aan caadi ahayn isugu yimid Madaxweynaha iyo golahiisa wasiirrada, waxana ay gorfeeyeen sidii ay wax uga qaban lahaayeen maciishadda sii qaali garoobaysa, sarrifka cirka isku shareeray, shilinka Somaliland oo hoos u dhac ku yimid iyo muddaharaadyada bilowday.

 

Laakiin waxa seegtay in ay wada tashi la yeeshaan shirkadaha ay dagaalka ku qaadeen iyo shacabka ay u adeegayeen ee ka sasay sharciga odhanaya 100 doller ka yar la iskuma weydaarsan karo habka casiraga ah ee aadka uga shaqeeya Somaliland loona yaqaan ZAADKA ama E-DAHAB. Kaasi oo shacabka u sahla in ay wax ka yar nus dollar isku weydaarsadaan. Sida kala badeecadaha ay ugu yar yihiin koobka shaaha ah, baalashka iyo sadaqadda.

 

Weli ma arag sharci noocan ah oo caalamku ay ku fara geliyaan Bangiyada ama hay’aadka lacagaha u kala gudbiyada shacabka, waxase ay dawladuhu ilaaliyaan qiimaha badeecadaha lagu kala gato ama waxa ay kordhiyaan mishaharka shaqaalaha.

 

Si kastaba ha ahaatee, waxa aan shaki ku jirin in sharacigani abuuri karo khal khal dhaqaale oo aanay xakamayn karin xukuumadda Somaliland. Sidoo kale waxa qiyaas adag qaadan kara shirkadaha la beegsaday, ee mu’aaminaddoodii shikiga la geliyey. Waxanse sugaynaa tallaabada ku xigta tani.

 

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images