Borama: Gudoomiye k/xigeenki hore ee golaha deegaanka degmada Boorama Maxamed Muxumed Faarax(Dheerayste) ayay saaka subax ciidanka Boolisku gurigiisa ugu tegeen, waxaanay ku xidheen saldhiga dhexe ee magaalada, Gudoomiye k/xigeenka hore ee degmada ayaa ka mid ah xubnaha golaha deegaanka, isla markaana leh maamuus xildhibaan gole, qaar ka mid ah xubnaha golaha degmada ayaa arintan ku sifeeyay qaab baal baalmarsan shuruucda dalka u yaala, mar aan isku daynay in aan ogaano sababta loo xidhay xildhibaanka, Nooma suurogalin inaan helo masuuliyiinta la sheegay in xadhiga mudanahan ay amreen.
Xadhiga G/xigeenka hore ee degmada ayaa loo aanaynayaa hadal iyo shirjaraaid oo uu shalay ku qabtay magaalada Borama, kaas oo uu kaga hadlay eedo uu u jeediyay masuuliyiinta Booliska iyo madaxda degmada Gabilay.
Xadhiga masuulkan hore ayaa u muuqda mid ka hor imanaya xoriyada hadalka iyo in xubnaha golayaasha deegaanka ee shacabku doortay loo xidho hab maamuuskiisa meel ka dhac ku ah.
Awdalpress
Desk Somaliland





