Awdalpress – London – Mudane Tarsan oo ka mid ah ragga u tartamaya kursiga Madaxweynaha Somalia, ayaa ku gooddiyey in uu yahay muwaaddin qalbigiisa ay ka buuxdo Somalinimo iyo in uu yahay ka kaliya ee ku tilmaaman hoggaanka saxa ah.
Qudbaddiisa waxa uu ku billaabay in uu 5 jirkiisii noqday agoon, ku nool dhul abaar ah…..sida hadda jirta. Hooyaday iyo annagunba waan xanuunsannay, Ilaahay ka jazaa’i siiyee, Eddeday AUN ayaa noo soo gurmatay, kaddib markii aan raystay, waxa ay i geysey goob agoonta lagu xannaaneeyo, halkaasi ayaa qabiil qabiil iyo ehel ii ahayd.
Tarsan xataa haddii la dooran waayo, waxa uu istaahilaa in uu noqdo wasiir miisaan leh.
Awdalpress







