Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trump oo amray in aad loo fatisho dadka Maraykanka Soo gelaya

$
0
0

Awdalpress – London – Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu saraakiisha xuduudaha u sheegay in ay si taxadar leh u baadhaan dadka galaya dalka Maraykanka, iyada oo uusan weli shaqaynaynin mamnuucitaaankii socdaalka ee uu soo rogay.

Wuxuu sheegay in maxkamaduhu ay shaqada ka dhigayaan “mid adag” ayna iyagu eedda dusha u ridan doonaan haddii uu dhib dhaco.

Maalintii sabtida ayey maxkamadda Racfaanka faderalka waxa ay ku gacan seydhay codsigii maamulka Donald Trump uu ku dalbanayay in dib loo soo celiyo xannibaaddii socdaaalka ee uu saaray dalalka qaar.

Xannibaaddan oo saameeyneysay dadka ka imaanayaa toddobo dal oo muslimiintu ay u badan yihiin ayaa maalintii Jimcaha waxaa is hortaagay xaakim Mareykan ah.

Taasi oo micnaheedu tahay in amarkii Trump hakad la geliyey,  iyada oo dadka sita dal ku galka ee ka soo jeeda dalalka Ciraq,Suuriya,Iran,Libya, Soomaaliya, Sudan iyo Yeman loo oggolaaday in ay soo galaan Mareykanka inta kiiskaasi si buuxda looga dhageysanayo.

Aqalka cad iyo labo gobol oo ka hor yimid go’aanka ayaa kama dambays loo qabtay malinti Isniinta ah si ay usoo gudbiyaan doodahooda.

Sagaashan qof oo Soomaali ah oo Mareykanka laga soo tarxiilay

Shan arrimood oo Trump uu ku sheegay Soomaalida

Madaxweyne Trump ayaa si weyn u cambaareyay xaakimka James Roper tee oo is hortaagay go’ankiisa

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu rumeysan la’yahay in xaakim uu dalka gelin karo xaalad qatar ah waxa uuna ku celceliyay in haddi ammaan darro dhacdo uu isagu masuuliyadda qaadi doono, sharcigana la soo taagi doono.

 

BBC


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images