Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Somaliland siday u aragtaa Khilaafka Carabta dhex yimid? mawqifkee ayayse qaadan doontaa?

$
0
0

Somaliland waa dal yar oo aan weli ictiraaf ka helin dunida, waxa ay Somaliland qabtaa baahiyo badan, oo aan looga maarmin kaalmo dhaqaale iyo saaxiibbo miisaankooda leh oo ka taakuleeya siyaasadda dibadda. Fursadda maanta ay haysatanaana maaha mid dib danbe u soo maraysa. Laakiin su’aashu waxa weeyi…..Ma garanayaan?

 

Khilaafka  dhex aloosmay duwalka Carabta gaar ahaan kuwa xoogga dhaqaale iyo siyaasadeed is biday,waxa uu leeyahay xajmigiisa, waxana ku kala fikir duwan dawlado badan oo dano siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale ka dhexeeyaan Somaliland. Baahida ugu weyn ee ay dawladaha is hayaa ay qabaanna waa in Somaliland dhinac la raacdo, mar haddii ay Somalia mawqif qaadatay.

 

 

Tusaale ahaan dawladda Turkey iyo Iran waxa ay garab siiyeen dawladda Qadar, halka ay Sacuudiga, Emerate ka iyo Masarna ay xidhiidhka u jareen Doha. Kuwait, Oman iyo waddammo kalena waxa ay qaateen mawqif dhex dhexaad ah. In ay khilaafka qayb ka yihiinna lama oga. Laakiin Urdun iyo kuwo kale ayaa iyaguna hoos u dhigay xidhiidhkii ay la lahaayeen Qadar, balse weli si rasmi ah ugumay jarin xidhiidhka.

 

 

Dhinaca kale waxa la wadaa dhex dhexaadin iyo wada hadal la doonayo in xaaladda dib loogu soo celiyo. Hase yeeshee, arrinta khilaafku muddo dheer ayey soo jiitamaysey, in xilligan oo lagu jiro bishii barakaysnayd la kala guuraana dareenkeeda ayey leedahay.

 

Khilaafka immiga qarxay, waxa uu in yar uun ka danbeeyey booqashadii Madaxweynaha Maraykan. Dareen badan ayaana halkaa daarran.

 

Si kastaba arrini ha ahaatee, waxa khilaafkani dunida ku yeeshay saamayn dhaqaale iyo mid amni. Welina ma cadda halka uu salka ku hayaa. Dunida reer galbeedkuna waxa ay hoos ka wadaan daraasado, waxana dalalka carabta ku qul qulaya khubaro ujeedkoodu yihiin xog in ay helaan. Waayo, waxa ay Sacuudiga iyo Masar ka dhawaajiyeen in ay Qadar maal geliso kooxaha xag-jirka ah. Inkasta oo hoosta laga xarriiqayo in TViga Al Jazira uu qayb ka yahay khilaafka waddammadaasi.

 

 

Isku soo wada duuboo, weli Somaliland wakhti ayey haystaa, xidhiidh fiicanna waxa ay la leedahay UAE, oo heshiisyo dhaqaale ay wada galeen. Xaalka taaganina uu u eg yahay mid iska cad, oo aan mugdi ku jirin, kaasi oo ah in aanay Somaliland arrintan ka noqon karin dhex dhexaad. Waxana loo baahan yahay in ay ka dawlad ahaan mawqifkeeda caddayso isla markaana xafiiskeeda Qadar soo xidho. Lana safato Sacuudiga iyo Emerate ka.

 

Haddii ay sidaa yeesho maxaa la soo darsaya?

 

Horta lama oga in ay Carabi heshiin doonaan, lamana oga Kuwait iyo waddammada kale waxa ay yeeli doonaan, Turkey iyo dawladaha saaxiibka la ah Dohana, Somaliland waxa ay raacin doonaan Sacuudiga, sidaasi daraaddeed Somaliland uma baahna colaad ay waddammadaasi gashato, laakiin haddana kama aammusi karto. Hawshuna waxa ay u taallaa xukuummadda Somaliland iyo wasiirkeeda arrimaha dibadda.

 

 

Aragtiyahaasi aan soo taa taabannay oo ay weliba weheliyaan xidhiidho ay dawladaha khaliijku la leeyihiin waddammada reer galbeedka ama saamayn ay ku leeyihiin,  ayaa ah mid u baahan siyaasad fahmo badan, oo aan lagu deg degin, lagana dib marin mawqif laga qaato. Haddii kale waxa Somaliland lagala mawqif dhigi doonaa Somaliya.

 

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images