Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

SHAQAAQADA KHALIJKA: Boris Johnson oo Qatar u sheegay in ay faraha kala baxdo argagixisada

$
0
0

Xoghaya Arrimaha dibadda ee Dawladda Britain ayaa markii ugu horreysey ku baaqay in la damiyo shaqaaqada ka dhex taagan waddammada Khaliijka ee taagnayd muddada labada usbuuc ah.

 

Awdalpress – London – Xoghayaha Arrimaha dibadda, Boris Johnson, ayaa fara geliyey shaqaaqada dublamaasiyadeed ee markii ugu horreysey wakhtigan dhex timid dalalka Khalijka. Waxanu dawladda Qatar ugu baaqay in ay cagta u dhigto maal gelinta ay siiso kooxaha xag-jirka ah, sidoo kale waxa uu Saudi Arabia  iyo waddammada Khalijka u soo jeediyey in ay qaboojiyaan xiisadda lagu takooray Qatar.

 

 

Saan-saanta colaadeed ee ka dhex aloosantay waddammadan ku yaalla Bariga Dhexe ee ay Britain la leedahay xidhiidhka dhaw, ayaa labadan usbuuc u egaatay mid aan khilaafkoodu dhammaanayn.  Johnson ayaana qoraal u gudbiyey waddammadaasi is-faham waagu dhex yimid, si ay dhinacyada is hayaa dib uga joogsadaan oo xakameeyaan khilaafkooda.

 

 

Kulan ay magaalada London ku yeesheen Wasiirka arrimaha dibadda ee Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdiraham al-Thai iyo Johnson ayaa xoghayaha Ingiriisku Qatar ka codsaday in ay daweeyaan dareenka ay waddammada Jaarkooda ahi qabaan.

 

 

Johnson hadalkiisa waxa kale oo ka mid ahaa, ” Qatar waa xulafada UK ee la dagaallanka argagixisada, laakiin waxa si dhakhsa ah loogu baahan yahay in ay intaa ka sii badiyaan, si ay uga caawiyaan kooxaha xag-jirka ah, oo ay billaabaan tallaabooyinkii ay ku tamcayn lahaayeen dhaqaalaynta kooxahaasi”.

 

 

Afarta waddan ee Bariga dhexe ku yaalla –  Saudi Arabia, United Arab Emirates, Bahrain iyo Masar – ayaa usbuucii hore billaabay in ay Qatar ku sameeyaan cuna-qabatayn dhulka iyo cirka ah, iyaga oo ku eedaynaya in ay dawladdaasi yar ee shidaalka qaniga ku ahi dhaqaale ku caawiso argagixisada, isla markaana ay fara gelin ku samaysay arrimahooda daakhiliga ah.

 

 

Xoghaye Johnson oo hadalkiisa sii wata ayaa ku daray, ” Anigu waxan dareemayaa tallaabooyinka xooggan ee ay dawladaha Saudi Arabia, UAE, Masar iyo Bahrain ay ka qaadeen saaxiibkayaga muhiimka ah, waxanan u soo jeediyey in ay xiisadda ka qaboojiyaan dawladda Qatar. Waxanan dhammaanba waddammadaasi is haya ugu baaqayaa in ay tallaabo dhex dhexaad ah ka qaataan xaaladda, oo ay raadiyaan xal loo marayo dhex dhexaadin”.

 

 

Kulanka hortii, Thani oo saxaafadda la hadlay ayaa u sheegay in aanu filayn in ay dawladda Ingiriiksu raacdo dhinac, waxana uu hadalkiisa raaciyey, ” Waxan dawladda Ingiriiska, Maraykanka iyo kuwa kaleba ka codsanaynaa in ay cambaareeyaan xad gudubka sharci darrada ah, sida cuna qabataynta lagula ka kacay qosaskayaga. Qoysas iyo carruur laga qaaday maddaarrada iyo hooyooyin loo diiday in ay carruurtooda la joogaan.”

 

 

Thani waxa uu nidar ku maray in uu maxkamad soo taagi doodo waddammada Khalijka ee hawadooda ka xidhay, waxana uu intaa ku daray in khilaafka oo sii dheeraadaa, uu qola walba ku keeni karo qiima weyn.

 

 

Wasiirkan Qatar ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay eedaha ay dawladaha walaalahood ahi u soo jeediyeen, eedahaasi oo ah kuwa argagixiso taageerka ah.

 

 

Si kastaba arrini ha ahaatee, waxa weli meel xun maraya xaalka bariga dhexe. Wax xal ahna weli looma hayo. Waddammada qaatay dhex dhexaadnimada ee ku yaalla gobolka ayaana labada dhinac ee is hayaa ay kala jiidanayaan.

 

 

Qoraalkan waxa aan badankiisa ka soo tarjunnay maqaal lagu soo daabacay The Guardian

 

 

Awdalpress iyo The Guardian.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images