Awdalpress – London – Waddammada Khalijka oo baryahan khilaaf weyni dhex yaallo, laguna go’doomiyey dalka Qatar, ayaa dunida muslinka ahi kala qaateen aragtiyo kala geddisan. Sidaasi daraaddeed, Somaliland oo ah waddan aan weli dunida looga ictiraafsanayn dal madax bannaan ayaa dawladdsiisu ay taageertay waddammada Saudi Arabia iyo UAE. Halka ay Dawladda Federaalka Somaliyana ay dhex ka noqotay.
Shaacinta taageeradaa oo uu ku dhawaaqay wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, ayaa loo maleeyaa in ay keentay in uu Madaxweyne Ahmed Mohamed Siilaanyo, casuumad ka helay dalka UAE. Laakiin maqaamka lagu soo dhaweeyey iyo u gogol xaadhidda socdaalkaasi ayaa ahaa mid aad u hooseeya. Waxana dadka u dhuun daloola siyaasadaha Khaliijku ay sheegayaan in aanay booqashada Madaxweyne Siilaanyo gadh-wadeen u ahayn mas’uuliyiin miisaan leh. Waxana ay hoosta ka xarriiqayaan in ay siyaasadda arrintani ku wajahani ay kala dhiman tahay. Fursadda maanta ay Somaliland haystaana ay tahay mid u baahan dad karti iyo aqoon u leh qaabkii loo wajihi lahaa.
Bal nala fiirsada qaabtii loo soo dhaweeyey iyo cidda soo dhaweysey:
Awdalpress





