Dood loo qabtay xisbiyada KULMIYE iyo UCID, ayaa xisbiga Waddani guddoomiyihiisa lagu eedeeyey in aanu dooddaasi ka soo xaadirin. Kadibna, waraysi uu guddoomiye Abdirahman Cirro uu siiyey saxaafadda ayuu ku sheegay in aan la soo wargelin, waxana uu yidhi:
Si kastaba ha ahaatee dooddadan ay Muse Bixi iyo Faysal ka qayb galay oo aan miisaan macno xambaarsan lahayn, ayaa dadka qaar ku sheegeen goob loogu ololaynayey xisbiga Kulmiye. Waxase la filayaa in ay dood adagi dhici doonto xilliga ay ku habboon tahay.
Dooddii labada xisbi ka qayb galeenna halkan ka dhegeyso:
Bal hadda aan qoraalkan hoos ku qoran oo ku soo baxay warsidaha Qarannews.com aan wada eegno.
Shirqoolkii Fashilmay ee Caawa iyo Meeshii lagu sheegay Carwadda Jaamacadaha Somaliland.
Waxaa Caawa Fashilantay Xaflad lagu sheegay CARWADDA JAAMACADAHA oo loo soo abaabulay Qaab siyaasadaysan,
Carwada oo la yidhi caawa ayay xidhmaysaa ayaa la sheegay in dood loogu qabanayo Sadexda Gudoomiye ee Xisbiyada qaranka,
Waxaanse iman Gudoomiyaha Waddani Dr Cabdiraxman Cirro, halka ay iska soo xaadiriyeen labada Gudoomiye ee isku aragtida ah, Mujaahid Muuse iyo Eng Faysal.
FAALLO CARWADDA KU SAABSAN
-Carwadani ma ahayn Carwo Jaamacadeed Sida Mageceeda lagu sheegay, waayo Kama aysan Soo qayb Gelin Jaamacadihii ugu waaweynaa Dalku, waxaan imam oo qorshaha Carwadan iyaguna Diiday Jaamacada Camuud, jaamacada Hargaisa, jaamacada Gollis, Jaamacada Burco,Jaamacada Sanaag, Jaamacada Nugaal oo iyagu ah jaamacadaha ugu waaweyn ee dalkan ka jira, Hadaba waxaa is weydiin leh waa Kuwee Jaamacadaha Carwadan ka soo qayb Galay ee Gudoomiyeyaasha Xisbiyadda Dooda u qabanayay anigu Garan maayo.
YAA CARWADDA WATAY
Carwadan waxaa qabanayay Agaasimaha wasaaradda tacliinta sare, wasaaradda waxbarashaduna Kama dhex muuqan, waxay u ekayd mid Agaasime Waaxeedkaasi ku kooban oo dano Gaar ah laga leeyahay.
AGASIME WAAXEED DOOD MA QABAN KARA
Jawaabtu waa maya, waayo ma aha Institution Warbaahineed, mana aha weriye u idman, sidoo kalena ma aha dhexdhexaad u cadaalad samayn Kara Sadexda Xisbi,
MUXUU AHAA YOOLKII MEESHANI
Ujeedada meeshan ayaa ahayd qorshe lagu doonayay in Gudoomiye Cirro lagu Fadeexadeeyo, lagana lahaa qorshayaal siyaasadeed waana ta keentay markii ujeedada meeshani cadaanweyday in aanay jaamacadaha dalkuna ka soo qayb gelin kuwooda la yaqaanaa.
YAA KA SOO QAYB GALAY
Waxaa caawa buux dhaafiyay dhalinyaro taabacsan xisbiga Kulmiye maadaama hotelka xaflada lagu qabanayay iyo Guriga gudoomiye muuse isku xigeen, waxayna u ekaayeen kuwo u qaabaysaan in ay ku qayliyaan gudoomiye cirro oo la filayay in uu yimaado una sacab tumaan Muuse biixi iyo gudoomiyaha aan ka aragtidda fogayn we xisbiga ucid eng faysal cali
JAWIGII GALABTA EE MEESHA
Galabta aniga iyo niman weriyeyaal ah oo Guuleed u shaah tegey ayaa la kulanay shaqaale ka tirsan xisbiga kulmiye oo Hotelka Gaafwareegayay sidoo kale suxufiyiintii ila socotay ayaa qaar ka midi la sheekaysteen dhalinyaradii kulmiye ee hotelka joogtay, laakiin muskaba bahal Kama filanaynoo isma lahayn hotelka qorshayaal xisbiyaysan baa ka socda
GUNAANAD
Ugu danbayn inkasta oo xafladu aanay u dhicin sidii la rabay haddana waxaa loo yeedhay warbaahinta oo aan qorshaha ku jirin maadaama company lagu siiyay Construct in ay carwada duubaan intay socoto, balse waxaa xaga xisbiga kulmiye laga dalbay warbaahin la yidhi duuba kursi lagu qoray magaca waddani lagana dhigayay in cirro diiday carwadda jamaacadaha ama uu dood ka baqday
XUSUUSIN
aqoonyahanka Dooda qabanayay Prof Cabdisalaan yaasiin waxa uu ka mid ahaa ragii ka cadhooday shirweynihii Waddani ee loo diiday inay tartamaan. Ciil uu uqabiyo cadhuu kula dhacay.
Ugu danbayn Cirro ayaa ka badbaaday qorshe siyaasadaysan oo loo maleegay
Musharax Cirro arintaasi caawa wax laga waydiiyay waxa uu sheegay in aan haba yaraatee loo soo sheegin doodaasi, oo aanu ogayn lagana qariyay waxana uu hadalkiisa ku soo meeray ninkii dood diyaar u ah hadh cad ha yimaado oo ha la doodo diyaar ayaan u ahay.
Awdalpress
Awdalpress





