Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

ALI GURAY: Haddii uu Muse Bixi dhaco adduunyada inta ka hadhay nin Sacad Muse ah oo madaxweyne noqonayaa ma jiro. Madal kalena waxa uu la hadlayaa shacab aan ahayn Sacad Muse. ( Nala daawada )

$
0
0

Awdalpress – London – Siyaasiga reer Hargeysa ee lagu magacaabo Ali Guray, waa nin lagu yaqaan hadal adag oo ka turjuma arrimaha kolba jooga ee uu aamminsan yahay. Marka uu makrafoonka qabsadana kama waabto in uu codkiisa kor ugu qaado kolba dhageystayaashiisa uu jecel yahay in uu jeheeyo. Laakiin maanta waxa hadalkiisii uu mariyey meel aanu hore ugu dhiirran amma uu ka meer meeri jiray. Waxana uu illaabay in xisbiga Kulmiye yahay xisbi qaran, oo aan qolo u xidhnayn. Saaxiibbadiisa ay isku xisbiga yihiinna sida Amb. Cawil iyo Cali Waran-cadde oo ka soo jeeda reerka uu Musharraxa Waddani ka soo jeedo. Waa u qabiil sheegtay. Taageerayaal kale oo soo raaci lahaana waxa ay ka yaa-yaqsoodeen dhawaqa reer hebel ee uu xisbigii ku shaabadeeyey.

 

Hadalkaa Ali Guray waxa uu dhaawac weyn ku yahay xisbiga Kulmiye iyo musharraxa miisaanka leh ee Muse Biixi. Waxana xisbiga iyo Muuse ba laga sugayaa in ay jawaab ka bixiyaan siyaasadda qabiilka ku salaysan ee uu fagaaraha ka yidhi, youtubyadana ku jirta.

 

Mudane Ali isaga oo mar kale fagaare ka hadlaya oo la qudbad u jeedinaya reer Saaxi iyo reer bariga, ayaa ka baydhaya hadalkiisii hore. Waxana uu hareertiisa soo joojiyey labada nin ee Amb. Cawil iyo Ali Waran cadde. Muxuuse odhanayaa?

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images