Awdalpress – London – Gobolka Sanaag oo ay immiga ku wada sugan yihiin madaxda saddexda xisbi qaran ee Waddani, Kulmiye iyo UCID ayaa magaalada Ceerigaabo loogu soo kala dhaweeyey siyaabo kala duwan. Waxana la sheegayaa in xisbiga Waddani uu ahaa ka aadka loogu soo dhaweeyey ee xisbiyada kale ugu xoog sheegtay Ceerigaabo iyo gobollada bari guud ahaanba.
Laakiin waxa isna si weyn loo soo dhaweeyey guddoomiyaha xisbiga Kulmiye isla markaana aha musharraxa Madaxweyne ee xisbiga Kulmiye.
Mudane Muuse Biixi ayaa dadkii soo dhaweeyey kula hadlay fagaare ay il-yartu is qabatay, waxana hadalkiisu ahaa mid miisaaman oo odaynimo.
Halkan ka dhegeyso
Awdalpress






