Awdalpress – Hargeysa – Muse Bihi Abdi oo ah musharraxa u tartamaya kursiga ugu sarreeya Somaliland ayaa maanta muddo dhex lugaynayey suuqyada Hargeysa, halkaasi oo shacabkii ay kulmeen farxad iyo soo dhaweyn ku qaabileen. Hadalladii ay is weydaarsanayeenna waxa ay ahaayeen kuwo ay isku faraxsanaayeen.
Musharraxa waxa wehelinayey Siyaasi Jamal Ali Hussien oo hore musharax madaxweyne ugu ahaa xisbiga UCID. Laakiinse markii danbe ku soo biiray xisbiga Kulmiye.
Bal haddaba nala daawada qaabkii Muse Bihi loogu qaabbilay suuqyada Hargeysa.
Awdalpress





