Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Wargeyska Hubaal muxuu ka qoray dhacdooyinkii shalay ( Qormooyin xiiso leh )

$
0
0

 

 

Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad Ee Shalay Golaha Wakiillada Loo Doortay Oo Cabiray Dareenkiisa, Kana Jawaabay Su’aalo La Weydiiyey

================================================================

 

 

Ku-Simaha Madaxwayanaha JSL Oo Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabilay Guddomiye-Ku-Xigeenka Cusub Oo Ay Wehelinayaan Shirguddonku

 

 

Hargeysa(Hubaal)Madaxwayne ku-xigeenka ahna ku-simaha Madaxwayanaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay shir guddonka Golaha Wakiillada JSL oo shalay la doortay Gudoomiye ku-xigeenkii koowaad ee golahaasi oo loo doortay Xildhibaan Axmed-yaasiin sheekh Cali Ayaanle.

 

 

 

Madaxwyne ku-xigeenka ayaa ku hambalyeeyay xildhibaanada golaha wakiillada sida dimuqraadiyadda leh ee ay u doorteen guud ahaan shirguddonka gollaha gaar ahaan Guddomiye ku-xigeenka koowaad oo maanta la doortay,madaxwayne ku-xigeenku waxa uu sheegay in doorashada gollaha wakiillada ee maanta dhacday ay tusaale u tahay doorashooyinka soo socda ee dalka waxaanu yidhi Madaxwayne ku-xigeenku “Maanta waxa gollaha wakiillada ka dhacay dimuqraadiyadii rasmiga ahayd iyadoo toban cisho ka horna si dimuqraadiyada loogu doortay Guddomiyaha Golaha wakillada kadib markii uu is casilay Guddomiyihii hore, maantana waxa guddomiye ku-xigeenka koowaad loo doortay xildhibaan Axmed-yasin sheekh Cali ayaanle aad baanan ugu mahad celinyaa xildhibaanada gollaha anakuna hadaanu nahay xukuumadii waxaanu markasta diyaar u nahay inay dimuqraadiyadda somaliland kobocdo ugu danbayntii waxaan u ducaynayaa labadan masuul ee xilka ku cusub ee guddomiyaha iyo gudoomiye-kuxigeenka waxaanan ku boorinayaa inay si wacan hawshooda u gutaan” ayuu yidhi Madaxwayneku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

 

Sidoo Kale Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa bogaadiyey doorashada Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Somaliland wuxuuna yidhi “ Doorashii saaka Golaha Wakiilada ka dhacday ee loo tartamyey Kursiga gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha, waxaan ku bogaadinayaa Golaha Wakiilada tartankii fiicnaa ee bisaylku ka muuqday ee saaka golaha ka dhacay, iyadoo ay doorashii horena runtii ay si mudakarnimo leh u galeen wixii hadal soo baxay oo aan fiicnayna banii aadamku waa qaldami karaa ee gadaal iska dhaqdhaqeen raggu waxay ahayd runtii wax weyn.

 

 

 

Waxaynu nahay Qaran muddo dheer soo jiray dhawr iyo labaatan sanno oo gaamuray oo geedi socodka dimuqraadiyadu aanay ku cusbayn waa siyaasad wuxu waa la kala adkaada waa laysu tanaasulaa bisaylka waxaa kamida in la aqbalo natiijooyinka, guul darada siyaasadu ceeb maaha laakiin waxaa ceeba inuu ninku natiijada qaadan waayo, Golaha wakiilada tartankii hore ee gudoomiyaha ka dhacay tartan fiican buu ahaa anigu maalin horaan ka hadlay, waxaa se dhaawaca hadaladii danbe ee kasoo baxay Maxkamada dastuuriga ahina qaraar bay soo saartay in la ixtiraamo Maxkamada weeye haybad bay leedahay, Waxaan leeyahay dhammaan runtii arrimahaas xagtimihii gadaal ka dhacay waan ku bogaadinaynaa hadii Xisbiga Waddani iyo Madaxdiisu saxeen oo ay garwaaqsadeen inay tanaasulaan oo ay u hogaansamaan go’aamadii golaha iyo go’aamadii Maxkamada iyo dareenkii golaha guurtida intaba. Arrinta saaka dhacdayna waxay ahayd tartan nadiif ah waxaanan runtii bogaadinayaa Gudoomiye ku xigeenka cusub ee Golaha Wakiilada Axmed Yaasiin doorashada loo doortay waan ku bogaadinayaa waxaanan ilaahay uga baryayaa inuu xilkaa ku garab galo, Axmed Yaasiin waa nin firin fircoon oo dhalinyaro ah waxaan rajaynayaa inuu kusoo kordhin doono shirgudoonka golaha wakiilada firinfircooni cagan yare wanaagsan u noqon doono gudoomiyaha, Gudoomiyaha waxaan ku bogaadinayaa siduu shirka u hagay mudanayaasha waxaan ku bogaadinaynaa bisaylka ka muuqday, waxaan kaloo bogaadinayaa mudanayaashii la tartamayey ee iyaguna aan saaka guulaysan ragganimaday muujiyeen iyo geesinimada ay muujiyeen iyagana waan ku bogaadinaynaa, Golaha Wakiiladuna waxay weyn bay ahayd inuu maanta aqlabiyad weyn ku kala badiyaa waxay ahayd wax qiimo leh, maalintii hore ayuu muran soo baxay maanta inuu xoog u kala fogaadaa waa waxweyn hambalyaan leeyaahy iyadana runtii, Xildhibaanada Xisbiga Kulmiyena gaar baan u bogaadinaynaa Kulmiyihii la arki jiray baan leenahay saaka weeye aad baad u mahadsan tihiin ayuu yidhi Maxamuud Xaashi Cabdi Wasiirka Madaxtooyada.


Biyo-dhaca Safar Ay Lix Wasiir Oo Xukuumadda Ka Tirsani Ugu Ambobaxeen Boqortooyada Sucuudiga

===================================================================

 

Weftiga waxa Xubno Ka Ah Wasiirrada Daakhiliga, Khaarijiga, Awqaafta, Waxbarashada Iyo Madaxtooyada

 

 

Hargeysa (Hubaal) Wefti balaadhan oo socda Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa galabta ka amba baxay Madaarka Cigaal Airport ee Caasiamda Hargeysa, iyaga oo u soo jeeda Wadanka Saudi Arabia. Weftigaasi oo ka koobnaa shan wasiir oo ka tiran Xukuumadda Somaliland oo uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha dibada Dr. Sacad Cali Shire ayaa waxa ka mid ahaa Wasiirada wasaaradaha Madaxtooyada, Arrimaha gudaha, Diinta iyo Awqaafta iyo Waxbarashada.

 

 

 

Weftiga ayaa galbta markii ay ka soo dhoofayeen Madaarka la hadlay warbaahinta, waxay sheegeen inay u socdaan Xaj iyo hawlo shaqo, oo ay martiqaadkeeda rasmiya ka haleen boqortooyada wadanka Saudi Arabia. Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ka hadlay ujeeda socdaalkooda waxaanu yidhi “ Waxaanu nahay wefti ka tirsan Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland oo u ambaxaya dalka Saudi Arabia, waxaanu u tagaynayaa Xaj, waxa na marti qaaday dawladda dalka boqortooyada Saudi Arabia, waxa nalagu marti-qaaday xaj iyo madaxda dawlada Saudi Arabia in aannu kulan la yeelano, oo arrimaha labada dal la wada xaajoono.

 

 

 

Insha Allaah markaanu xajno ka dib waxaannu arki doonaa madaxda Sucuudiga, waanu u mahad naqaynyaa madaxda Saudi Arabia, arrimahaas iyo xidhiidhkaas waxa keenay oo ay ka dambaysay siyaasadii Xukuumadda Somaliland ay qaadatay ee ku saabsanayd taageeradii xulafada Saudi Arabia Iyo Imaaraadka carabta.” “ Xidhiidhkani wuxuu ka dhashay wakhti dhawayd oo aan Cimro ku tagay Saudi Arabia ayaannu madaxda Sucuudiga qaar is aragnay, waxay noo balan qaadeen inay na marti qaadi doonaan.” Ayuu yidhi Wasiir Xaashi. Wasiirka Diinta iyo awqaata Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “ Insha Allah wixii waajib ah waanu ka gaysan doonaa wada-xaajoodkayagaas, waananu ugu mahad celinayaa wada hadalkaas iyo ixtiraamkaas inoo bilaabmay, iyo qiimaynta ay ina qiimaynayaan, Wasiirada halkan marayaa waxay wakiil ka yihiin umadda reer Somaliland guud ahaan gaar ahaan Xukuumadda oo taladeedii ahayd in la taageero dalka Saudi Arabia oo taariikh facweyn iyo runtii xidhiidh ballaadhan oo ganacsi aynnu la leenahay mid dawladeed aanu ka xaqiijin doono, wixii aynu ugu baahnayn Insha Allaahu, iyaguna ay maanta dareemeen in aynu isku baahan nahay.” Ayuu yidhi Sheekh Khaliil.

 

 

 

Xubanaha Weftiga ayaa kale Wasiirada Wasaaradaha Arrimaha dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Sacad Cali Shire, Arrimaha Gudaha Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, Diinta iyo awqaata Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare Cabdilaahi Ibraahim Habane.

 

 

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images