Awdalpress – London – Madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane Zaylici, isla markaana ah ku simaha Madaxweynaha Somaliland, ayaa shaqadii ka joojiyey badhasaabka gobolka Awdal Shiine.
Shaqa ka joojintan ayaa loo aanaynayaa dhul la sheegay in uu badhasaabku iibinayo, laakiin dad xog ogaal ahi waxa ay shabakadda awdalpress u sheegeen, in warkaasi yahay mid aan waxba ka jirin, oo suuqa uun la soo geliyey.
Warka shaqa ka joojinta Badhasaabka ayaa maanta gelinkii danbe uun laga war helay. Sida la sheegayna waxa badhasaabka isla galabnimadii maanta farta laga saaray, wareegto shaqada lagaga joojinayey Badhasaabka. Illaa iyo imminaga wax war ahi kama soo bixin badhasaabka.

Awdalpress






