Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Wafdigii Abdirahman Zaylici iyo Guddoomiye Muse Bixi ay hoggaaminayeen oo magaalada Borama kala kulmay taageerada Waddani.

$
0
0

Awdalpress – London – Soo dhaweynta maanta loo ballansanaa Borama, waxa iska lahaa Xildhibaan Ahmed-Yaasiin Sh. Ali Ayaanle, waxase mar kaliya is beddelay jawigii soo dhaweynta, kadib markii la arkay M/xigeenka iyo Musharraxa Madaxweyne ee Kulmiye mudane Muse Bixi Cabdi oo soo dhaweyntaa u soo qoystay. Waxase dadweyne badani kala hor tagey GUUSHA YAA LEH? WADDANI BAA LEH.

 

Sidani waa isbeddel cusub, oo taageero adag loogu hayo, loollanka maanta ka dhacay Boramana waxa guusha iska leh WADDANI, laakiin guushaa ayaa keenay?

 

Waxa guusha Waddani ee gobolka Awdal hoggaaminaya mudane Abdikarim Maal, oo ah guddoomiyaha Waddani ee gobolka Awdal. Laakiin su’aashu waxa ay tahay….hoggaanka xisbiga Waddani ma u og yihiin guushaa?….Waa ka faalloon doonnaa.

 

Dhinaca kale waxa sallaanka ka sii dhacaya guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Gobolka u fadhiya, oo la sheegayo in dhawaan xisbiga Kulmiye dareen badan ka qabo.

 

Bal hadda aynu sugno, wararka kale ee ka soo kordha, cajaladdani muujinaysa taageerada Waddanina aan sii daawanno.

 

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images