Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Muse Biixi: Gobolladii bariga ee aan soo marray, waxa ay taakulayntii abaaraha uga mahadnaqayeen dadweynaha deggen degooyinka Dilla iyo Gebilay

$
0
0

Awdalpress – London – Guddoomiye Muse Biixi oo si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Gebilay. ayaa dadweynihii soo dhaweynayey ee fagaaraha isugu soo baxay u sheegay in ay gobollada bariga markii ay marayeen ay waxgaradkoodii u sheegeen in degmooyinka  Gebilay iyo Dilla uga mahadnaqeen sida karaamada iyo naxariista leh, ee ay u soo dhaweeyeen dadkii bariga uga soo qaxay abaaraha iyo kaalmadii hagar la’aanta ahayd ee ay ka geysteen abaarahaasi.

 

Musharraxa Madaxweynaha Kulmiye oo hadalkiisii sii wata ayaa ka dhawaajiyey in dadkaa reer bariga ahi ay la yaabeen sida dhulka Gelilay iyo Dilla ay u kala xadaysan yihiin iyo quruxda ay u yaallaan.

 

Mudane Muse waxa uu hoosta ka xarriiqay in maanta ay gobollada galbeedku ay isku xidhan yihiin, musharraxyadooduna ay ka filayaan in ay u codeeyaan. Waxanu carrabka ku dhuftay barwaaqada Siimoodi iyo banka Wajaale sida laga yeeli doono,  ma si siman oo caddaaladi ku jirto ayaa loo wadaagi doonaa barwaaqadaa mise waa la kala yeelan doonaa?

 

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images