Awdalpress – London -Xoghayaha guud ee Jamciyadda Qaruumaha ka dhaxaysa ayaa si adag uga hadlay, bayaanna ka soo saaray xaaladda adag ee ay ku sugan yihiin dadka muslimiinta ah Rohingya ee ku nool gobolka Maynmar ee dalka Burma.
Xasuuqii laga aammusay waxa loogu yeedhaa dhibaatada la mariyey dadka Muslimiinta ah ee ku nool Burma, waxa gubayey guryaha, waxa la laynayey carruur iyo dumar, waayeel aan socon karin ayaa kaymaha ay u baxsadeen lagu gubayey.
Dhibaatooyinka barakacu uu keenay, ee ay ku sugan yihiin dadkaa Muslimiintana ayaa ah mid caalamku indhaha iska qabtay, waxase immiga soo baxday in ay tahay mid aan qarsoomi karin.
Cadaawadda ay dadka diinta Budiska haystaa u qabaan dadka muslinka ah ee qaarradda Asia ku wada nool ayaa maraysa meeshii ugu sarraysays.
Awdalpress






