Awdalpress – London – Waxaa galabta iscasilay wasiirkii Gaashaandhigga iyo taliyihii ciidammada dowladda federaalka Soomaaliya.
Wasiirkii Gaashaandhigga, Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed ayaa kulankii toddobaadlaha ahaa ee maanta warqad iscasilaad ah u gudbiyay golaha wasiirada ee dawladda Khayre.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Eng: Cabdiraxman Cumar Cusmaan Yariisow ayaa VOA-da u sheegay in Wasiirka uu isu casilay arrimo isaga khaas u ah.
Dhanka kale, wax yar ka hor iscasilaadda Wasiirka, waxaa wasaaradiisu ay u gudbisay golaha wasiirada iscasilaadda Taliyihii ciidammada xoogga dalka Soomaaliya, Axmed Jimcaale Geedi (Cirfiid) oo isna sheegay inuu iscaslay.
Wariyeheenna Jamaal Axmed Cusmaan ayaa arrintan ka wareystay wasiirka Warfaafinta Xukumadda Soomaaliya Cabdiraxman Cusmar Cusman Eng. Yariisow.
VOA






