Awdalpress – Muqdisho – Cumar Xamaami oo loo yaqaanay Abu Mansuur Al-Amriki iyo hogaamiye lagu magacaabi jiray Cusaama Al-Baritani oo haystay dhalashada dalka ingiriiska hase ahaatee asal ahaan u dhashay dalka Pakistan ayaa lagu dilay koofurta Soomaaliya ayadoona ay dileen dagaalamayaal ka tirsan Xarakadda Al-Shabab.
BBCda qeybteeda caalamka ka hadasha ayaa tabisay in loo xaqiijiyay geerrida labadaan hogaamiye ee ajaanibta ah oo muddo ka bar bar dagaalamayay Al-Shabab.
Xubno ka tirsan Al-Shabab ayaa xaqiijiyay in Abu Mansuur Al-Amriki iyo Cusama Al-Baritania ay dileen xubno taageersan hogaamiyaha Al-Shabab Axmed Cabdi Godane oo sidoo kale loo yaqaan Abu Zubeyr Al-Amriki xilli ay ku sugnaayeen tuulo u dhaw degmada Diinsoor ee gobolka Bay halkaasoo ay wayahaanba ku dhuumaalaysanayeen.
Ruux la sheegay inuu aad ugu dhawaa Abu Mansuur Al-Amriki ayaa u sheegay BBC World Service inay soo weerareen dagaalyahano taageersan hogaamiyaha Al-Shabab ayna dileen labada hogaamiye ayna nolosha ku qabteen hogaamiye kale oo u dhashay dalka Masar oo hogaamiyaashaan la dilay ku fikir ahaa kaasoo lagu magacaabo Khadap Al-Masari.
Dad degaanka ah ayaa sidoo kale warbaahinta u xaqiijiyay in meydadka labadaan hogaamiye ee la dilay ay qaateen ciidamadii dilay.
Abu Mansuur Al-Amriki oo u dhashay dalka Maraykanka oo muddo Soomaaliya ku sugnaa dhawr jeer ayaa la wariyay in gudaha Soomaaliya lagu dilay inkastoo ay beenowday hase ahaatee mar ayuu ku dhaawacmay weerar lagu qaaday.
Dawlada Maraykanka ayaa madaxa Al-Amriki ku doon doonaysa lacag dhan 5-million oo Dollar.




