Awdalpress – London – Xilliyada xaraarada mujtamacyadu ay meesha sare marayso, waxa ay ku maaweeloodaan heesaha qiirada leh, ee shucuurtooda xoojinaya.
Sidaasi daraaddeed, waxa Somaliland ay ku jirtaa marxalad kala guur, oo ay dadku u kala codaynayaan saddex Musharrax iyo saddex ku xigeen oo hoggaamin doona talada dadka iyo dalka. Xammaasadduna meel aanay weli gaadhin ayey maraysaa. Qabyaalad aad u kulul ayaana ku laban. Waxana ay marxaladdan lagu jiraa la mid tahay mid dagaal, oo aan biyo la is cabbinayn.
Awdalpress





