Awdalapress – London – Wasiir Mohamed A Obsiye oo ahaa wasiirkii shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland ayaa immiga iclaamiyey in uu iska casilay xilkii wasiirnimo ee uu qaranka Somaliland u hayey, sidoo kale waxa uu iska casilay xubinnimadii xisbiga Kulmiye iyo shaqadii ololaha xisbiga Kulmiye.
;
Wasiir Obisye ayaa maalmahanba la sheegayey in ay isku dheceen guddiga ololaha iyo xubno sare oo ka mid ah xisbiga Kulmiye. Sida la soo warinayana waxa uu cadaadis kaga yimid dhinaca hoggaanka xisbiga iyo dawladda uu wasiirka ka yahay. Sidaasi daraaddeed, ayaa loo malaynayaa in uu xilka uga degey xilligan oo runtii uu xisbigu aad ugu baahnaa.
Wixii war faah faahsan ee ka soo kordha dib ayaan idinkala soo socod siin doonnaa
Awdalpress




