Awdalpress – London – 13kii bishan Nov. sannadka 2017 oo immiga laba maalmood uun laga joogo, ayey ahayd maalintii ay dadka reer Somaliland sida sharafta leh ugu dareereen una guteen doorashadii muddada la sugayey. Waxana ay dadweynuhu u codeeyeen si nabad iyo karaamo leh. Laakiin waxa shiki badani soo baxay markii ay taageerayaasha xisbiyadu isla habeenkiiba social media-ha soo geliyeen tirooyin is dhaaf ah oo ay ugu kala abtirinayaan goobihii ay sanaaduuqdu yaalleen. Muran iyo faan ayaana ka dhex bilowday xisbiyadii iyo taageerayaashoodii. Illaa iyo immigana waxa socda tartankii iyo dagaalkii social media-ha ay isku dhaafsanayeen taageerayaasha xisbiga iyo weliba madaxda xisbigu.
Xilligan aan joogno waxa murankii gudaha u galay xarunta Komishanka oo guddiga Komishanka loo tirinayo in aanay illaa immiga qaadin tallaabadii kaga habboonayd soo af-jaridda natiijada iyo in ay ku dhawaaqaan sidii ay xisbiyadu u kala heleen. Beddelkeediina waxa la sheegayaa in ay madaxda xisbiyada ka sugayaan amar iyo oggolaasho ay ku iclaamiyaan natiijada. Taasi oo seeggan sharciga Komishannada caalamiga ah iyo ta Somaliland ee loo igmaday.
Saxaafadda Awdalpress oo xuuraamisay sababta keentay in uu dib u dhac ku yimaaddo in la iclaamiyo natiijada iyo culasyka uu yeelan doono buuqa iyo sawaxanka laga maqlayo dadka kala taageera xisbiyada, ayaa ah mid loo sibir saarayo mad madaw ka dhex jira Komishanka.
Wakhtiga la codeeyey iyo habka ay muwaaddiniintu codka u dhiibteen waxa ay ahayd mid shacabka farax gelisay, caalamkana soo jiidatay, laakiin waxa ay kharribantay markii ay Komishanku awoodi kari waayeen in ay si deg deg ah u soo saaraan natiijada. Halka ay maanta maraysaana waa meel aad u adag, oo haddii ay xataa ku dhawaaqaan aan u cuntamayn dadkii codeeyey iyo xisbiyadii loo kala codaynayey.
Sababta ay sidani u dhacday ayaa dad badan oo doorashada danaynayey su’aalo iska weydiinayaan, waxana la kala garan la’yahay in musuq-maasuq iyo wax is daba marini ay jirto iyo in aanu jirin sharci kala xadaynaya hawsha sidii loo maamuli lahaa, gaar ahaan sidii natiijada loo gaadhi lahaa.
Sidoo kale, waxa iyana mid ay dadku la yaabban yihiin ah, sababta ay mas’uuliyiinta xukuummadda Somaliland qaarkood faraha ugula jiraan sanaaduuqda iyo goobaha cod bixintu ka dhacday ee weli aan sanaaduuqda laga soo qaadin amma loogu eedaynayo in ay sanaaduuqda qaar u xanniban yihiin mas’uuliyiin aan ahay Komishanka.
Isku soo wada duuboo, waxa bulshada reer Somaliland iyo caalamkuba indhaha ku hayaan, sidii ay natiijadu u soo bixi lahayd, xisbiyaduna ay ugu qanci lahaayeen. Wakhtiga ay Komishinku dheereeyeen ayaana shakiga oo dhan keenay.
Awdalpress




