Awdalpress – London – Wararka ka imanaya magaalada Hargeysa waxa ay sheegayaan in shirkii xalay la galay, lagu gaadhay is-afgarasho hoose, iyada oo loo tudhayo masiirka siyaasadeed ee Somaliland. Isla xalay markii uu guddoomiyaha Waddani sida odaynimada leh u hadlayna waxa taageerayaashiisii ogaadeen in laga guulaystay, oo aan waxba dib loogu noqonayn.
Si walba hallagaaga badiyee, way adag tahay in guul darrada la qaataa, wakhtiga sidan oo kalena way dhib badan tahay in aad maqasho dhiggaagii oo kaa guulaystay, wayse dhacdaa. Oo haddii laba qof tartamaan mid uun baa guusha hela. Garsoorayaashiina sida la sheegayo, waxa ay la diyaar yihiin in ay caawa amma berri soo af jaraan warka laga sugayo.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, waxa kale oo la sheegayaa in siyaasiyiin badan oo dagaal adag u galay WADDANI ay xilligan saf ugu jiraan sidii ay uga qayb noqon lahaayeen dawladda cusub ee xisbiga guusha filanaya waa Kulmiyee soo dhisi doono. Laakiin weli ma jiro cod ka soo yeedhay siyaasiyiintaa laba godlaynaya.
Ugu danbayn waxa la sugaa, waa Mudane Muse Bihi Abdi oo loo cimaamado madaxweynihii shanaad ee Jamhuuriyadda Somaliland, oo la isla oggolaan doono. Caleema saarkiisana la isku arki doono.
Laakkiin hees ayaaba hore ay UBAX FAHMO u sii qaadday, waa heestee….nala dhegeysta:
Awdalpress




