Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Koox Aqoonyahanno ah oo cilmi baadhis sameeyey ayaa sheegay in dugsiga lagu bilaabo da’da ka weyn shan jirka.

$
0
0

Dugsiyada dalka England, Scotland, Welis iyo waddammo kale ayaa waxbarashadooda caadiga ah lagu bilaabaa da’ ka yar shan jir, taasi oo lagu soo dhaqmayey sannaddo badan. Haddaba waxa la yaab leh sababta xilligan ay waxbarashoyanno iyo aqoon yahanno reer England ay u soo saaraan warqaddan ka hadlaysa in ay fiican tahay dugsiga oo lagu galo da’ yar, waxana  lagu daabacay joornaal ka mid ah kuwa ugu qiimaha badan ee ka soo baxa dalka Ingiriiska.

Sidan ayaana loo dhigay warka warqaddaasi ku qornaa,

Haddaba warqad lagu soo daabacay joornaalka afka dheer ee ka soo baxa dalka Ingiriiska  lana yidhaa Daily Telegraph, waxa lagu sheegay in dugsiyada tooska ah oo da’da yar lagu bilaabaa ay dhaawac u geysato carruurta.

Waxana ay farta ku fiiqeen in culayska manhajka la saaro ciyaar amma dheel  in wax lagu barto.

Wasiirka Waxbarashada dalka England Elizebeth Truss ayaa ku doodday in dugsiyada da’weyn lagu bilaabaa ay keenayso dhaawac oodda saara farqiga u dhexeeya guusha dadka qaniga ah iyo kuwa faqiirka ah.

Eeg Finland

Saxeexayaasha warqadda oo ay ku jireen aqoon yahanno Macallimiin, qorayaal iyo samafalayaalba, ayaa waxa ay sheegeen in nidaamka waxbarasho ee xilligani uu si badan diiradda u saarayo waxbarashada tooska ah ( formal education), Sida waxa loo yaqaan Three R’s, ee da’doodu aadka u yar tahay.

Sidaasi daraaddeed, waxa ay ku taliyeen in dib u eegis lagu sameeyo siyaasadda qaranka uga dagsan waxbarashada, si looga mid dhigo nidaamka waxbarasho ee waddammada Scandinavia.

Warqadda ayaa lagu caddeeyey in ardayda dugsiyada ku bilowda da’da  lix jir amma toddoba jir ay gaadhaan amma kasbadaan guulo waxbarasho oo fiican iyo sidoo kale qofnimo heerkeedu sarreeyo.

127ka khabiir ee warqadda saxeeyey ayaa waxa ku jira Lord Layard oo ah agaasimaha Mashruuca toosinta ee mahadka London School of Economics; Macallin weyn oo cilmiga Pyschologyga ka dhiga waaxda waxbarashada ee combridge University Dr. David Whitbread, iyo agaasimaha ruwaayadaha England Cathrine Prisk. Saxeexayaal kale, sida Commissionerkii hore ee carruurta England Sir Al Alnsley Green ayaa yidhi, ” Haddii aad eegto waddanka Filand oo kale carruurtu ma bilaabaan dugsiga caadiga ah, ee shaqada badan illaa ay toddoba jir gaadhayaan.

“Sannaddanka saa’id ahi, sida aragtidayda ah, waxa ay carruurta siinaysaa fursad qiime leh, marka lagu kaabo dad si fiican u tababaran ee la siiyo lacag ku filan, kuwaasi oo weliba aqoontoodu sarrayso, si ay ardaydu ay u noqdaan arday wanaagsan.

Warqadda waxa diray kooxda ololaha  ( Campaign group), kuwaasi oo soo bandhigay oloe ay ugu magac dareen Too much ( waa wax badan ) Deg deg badan.

Awdalpress.com

Ahmedweli Goth


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images