Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Somali lagu laayey degaan ka mid ismaamulka Oromada.

$
0
0

Awdalpress – London Wararka naga soo gaadhaya deegaanno ka mid ah ismaamulka Oromada ee dalka Itoobiya, ayaa sheegaya in dad Soomaali ah oo tiradooda ay gaadheyso 65 qof lagu diley tuullada Gadule ee hoostagta degmada Darullow.

Mar ay saxaafadda VOA la xidhiidhay Madaxa Warfaafinta deegaanka bariga Harerge ee dowlad gobolleedka Oromada, Cabdirisaaq Maxamed oo la hadlay laamaha Itoobiyaanka ee afafka Oromada, Tigreega iyo Axmaaradda ee VOA, ayaa tirada dadka la laayey ku sheegay 14 qof.

Cabdirizaaq Maxamed waxaa uu intaas ku darey in weerarkani uu ka dhashey duullaan ay ciidamada Liyuu Boliiska ee deegaanka Soomaalida ku soo qaadeen deegaan aan Gadule ka dheerayn, 2 qof oo midi askari yahayna ay ku dileen. Islamarkaasna reerkii askariga laga diley ay weerar ku qaadeen Soomaalida Gadule ku sugneyd.

Jaamac Buulle Jaamac ayaa la xariirey mid ka mid ah dadkii ku sugnaa goobta dadka lagu laayey, arrimo amniga la xariiro darteedna codsadey in aan magaciisa la shaacin, waxaana uu uguhoreyn weydiiyey sidii ay wax u dhaceen.

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images