Awdalpress(Brusells) 16 Sep.13–Midowga Yurub ayaa ugu yaboohay lacag gaaraysa $862 milyan qorshaha dib u dhiska Soomaaliya. Guddoomiyaha guddiga Reer Yurub Jose Manuel Barroso ayaa yabooha ka sameeyay shirka caalamiga ah ee maanta ka furmay magaalada Brussels ee looga hadlayo sida loo xajin karo guulaha laga sameeyay Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya iyo deeq bixiyayaasha caalamka ayaa ka qeyb-galaya shirka oo lagu sameynayo qorshe lagu dhisayo ammaanka Soomaaliya iyo nidaam siyaasadeed oo loo dhan yahay.
Gargaarka lacageed ee Midowga Yurub uu maanta ku yaboohay ayaa lagu taageeri doonaa qorshaha dib u dhiska Soomaaliya ee saddexda sano ee soo socota, sida uu sheegay Barroso.
“Maanta waxaan ku faraxsanahay inaan ku yabooho 650 milyan oo Euro oo lacag dheeraad ah oo lagu taageerayo wejiga cusub ee dib u dhiska Soomaaliya,” Barroso ayaa u sheegay suxufiyiinta, isagoo xusay in lacagtan ay dheeraad ka tahay 1.2 bilyan oo Euro oo Midowga Yurub uu ku bixinayay arrimaha Soomaaliya tan iyo 2008.
Britian ayaa si gooni ugu dhawaaqday $79 milyan oo loogu gargaarayo Soomaaliya.
Madaxda Reer Yurub ayaa ku rajo weyn in deeq-bixiyayaasha caalamiga ah ee ku sugan shirka ay ku yaboohi doonaan lacag ka badan hal bilyan oo Euro oo lagu taageerayo qorshaha dib u dhiska Soomaaliya.





