Awdalpress – London – Abdi Good oo StarTV aalaaba ka soo daaya barnaamij uu ku eego luqadda afka- Somaliga oo la yidhaa Isir raaca luqadda, ayaa ka adkaysan waayey caddaalad darrida ka taagan Somaliland iyo Qabiilka kaliya ee isku koobay maamulka iyo talada Somaliland.
Muse Bixi oo laga filayey in uu wax weyn ka beddelo caddaalad darradaasi ayaa sii fogeeyey dadkii dalka la deggenaa, ee ay talo iyo taakulaynba isku lahaayeen, noqdayna kii ugu darraa ee soo mara Somaliland. Waxana ay shacabka reer Somaliland intooda badani kala noqdeen kalsoonidii ugumana yeedhaan Madaxweyne. Waayo ma mudna in loogu yeedho illaa iyo inta uu dariiqa saxa ah ku soo dhacayo.
Gobollada Awdal, Sool iyo Sanaag oo awalba ay dhallinyartiisa wax baratay ay ku shaqo la’aayeen, waxa immiga ku soo beeray Togdheer iyo Hargeysa oo uu dadkeedii kala qaybiyey. Rajadii Somaliland laga qabayna waxa ay ku sii socotaa god madaw. Awdalpress na waxa ay la safan tahay dadka xaqoodii laalan yahay ee Reer Awdal.
Haddaba Abdi Good maanta taasi ayuu ku soo baraarugay, waxana uu ka hadlayaa sida ay Somalilanda la sheegaa ay u dhigan tahay.
Awdalpress





