Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Dagaalka u dhexeeya Somaliland & Puntland iyo wararkii ugu danbeeyey.

$
0
0

Awdalpress – London – Tuulada Tukaya-raq ee ka tirsan gobolka Sool, ayaa 8dii Jan 2018ka ay ciidammada Somaliland xoog ku galeen, ciidammadii Puntland ee joogayna ay isaga carareen.

 

Qabsashada tuuladaasi waxa caddeeyey madaxweynaha Puntland Mudane Abdiweli Gaas. Warsaxaafadeed uu colaaddaasi kaga hadlayna waxa uu digniin culus u diray ciidammada Somaliland ee qabsaday tuuladaasi.

 

Dhinaca kale waxa Hargeysa laga soo sheegayaa in uu Muse Bixi la kulmay taliyaha ciidammada Somaliland, isla markaana uu amray in la xoojiyo jiidda hore, haddii ay Puntland weerar soo qaaddana ay ciidammadaasi jiidda hore amar ku haystaan in ay Garawe gacanta ku dhigaan.

 

 

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images