Awdalpress – London – Dekedda magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu dhex toogtay Jen. Saciid Aadan Dheere (Saciid Mariino) oo ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidamada Badda oo lagu magacaabi jiray.
Sarkaalka la dilay oo maamulayey qeyb ka mid ah dekedda, ayaa waxaa dilkiisa ka dambeeyay nin isaga ku xigeen u ahaa, iyada oo ilaa hadda aanan si dhab ah loo ogeyn sababta ka dambeysay dilkiisa.
Ciidamada ammaanka gudaha Dekeda Muqdisho ayaa gacanta ku dhigay gacan ku dhiiglaha dilka geystay, waxaana laga dhigay direeskii iyo hubkii uu watay, iyada oo garba duub loo xiray, kadibna gaadhi lagu qaaday.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Taliska Badda ee ciidanka xoogga dalka iyo laamaha ammaanka ee dowladda oo ku saabsan dilka loo geystay Taliyaha ka tirsan qeybaha Talisyada Ciidamada Badda Soomaaliya.
Awdalpress




