Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Beesha Caalamka oo 1.8 billion oo euro ugu deeqday Soomaaliya

$
0
0

Hassan-Sheikh-iyo-Ashton-Awdalpress(Brusells) 16 Sep, 13–Beesha Caalamka ayaa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ugu deeqay 1 bilyan iyo siddeed boqol oo milyan oo lacagta yurub ah, si gacan looga gaysto dib-u-soo kabashada Soomaaliya.

Madaxa Ururka Midowga Yurub, Jose Manuel Barroso ayaa ku dhawaaqay deeqda oo 650 milyan oo ka tirsan uu Midowga Yurub ku deeqay.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay kulan-saxaafadeed kaddib markii la soo gaba-gabeeyay shirka Hiigsiga Cusub ee Soomaaliya ee Brussels ayaa sheegay in dowladdiisa iyo deeq-bixiyeyaasha ay si wada-jir ah ula socon doonaan sida loo qarash-gareynayo lacagta.

Xasan Sheikh ayaa rajo ka muujiyay in dhaqaalaha lagu yaboohay ay bixiyaan deeq-bixiyeyaasha, isla markaana uu ku kalsoon yahay inaysan ballan afka ah uun noqon doonin.

Wuxuu sheegay in loo adeegsan doono horumarinta waxbarashada, dib-u-dhiska dalka, caddaaladda, amniga iyo dhismaha hay’adaha dowliga ah.

Mar uu maanta ka hadlayay shirka ayuu Xasan Sheikh sheegay in dowladdiisa ay hiigsanayso in dalka laga hirgaliyo doorashooyin xor ah sanadka 2016-ka.

Beesha Caalamka ayaa muujinaysa sida ay uga go’an tahay in dowladda Soomaaliya la caawiyo, si ay uga guulaysato caqabadaha ragaadiyay dowladihii KMG ahaa ee dalka ka jiray, isla markaana dalka uu si buuxda uga soo kabto burburkii muddada 20-ka sano ka badan uu ku jiray.

RBK


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles