Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Buug cajiib ah oo laga qoray dhirta la isku daaweeyo iyo sida loo adeegsado dhirtaa.

$
0
0

Awdalpress – London – Buug faa’iido weyn u leh caafimaadka bani-aadmiga, isla markaana aad ka heli karti daawooyin qiimo leh, ayaa waxa dhawaan lagu soo bandhigay xarunta bandhigga buugta ee magaalada Hargeysa. Buuggan oo uu qoray nin khabiir ku ah daawooyinka dhirta magaciisana la yidhaa  Farxaan Siciid Khalif, oo muddo ka badan 40 sano ku hawlanaa daawada dhirta laga helo, ayaa dhawaan buuggan ku soo bandhigay xarunta bandhigga buugta ee Hargeysa ku taalla.

 

Xanuunnada xilligan loo caal waayey, ee ay ka mid yihiin DHIIG KARTA, MACAANTA, KALYO XANUUNKA, KANSARKA, XANUUNNADA MAQAARKA IWM….ayaa waxa uu qoraagu sheegayaa in dawadooda laga helo dhirta intii uu hawsha ku guda jirayna uu dad badan ku daweeyey.

 

 

Haddaba, inta aan buuggaasi  lagaa dhammaysan gaadh si aad uga faa’iidaysato amma ugu faa’iidayso walaalkaa oo u baahan, qiimaha aad ku helaysaana maaha mid ku eryaya, waxana uu qoraagu aqoontiisa u hibeeyey dadka xanuunsan amma xanuunada qaar laga daweyn kari waayey, ee dawadooda ka heli kara dhirta dabiiciga ah.

 

Buuggani waxa lagu qoray luqadda Somaliga, waxana uu dhawaan ku soo bixi doonaa luqado kale, ee ha moogaan.

 

Wixii macluumaad dheeri ah, sida haddii u baahataan in aad dhakhtarkan dhirta waxa ku daweeya la xidhiidhaan, waxad nagala soo xidhiidhi kartaan shabakadda awdalpress.com

 

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images