Awdalpress – London – Dhaqankii Somaliland ee ku salaysnaa beel wadaagta, oo weliba aan heshiis lagu ahayn saami-qaybsiga maamulka Somaliland, ayaa waxaba ka sii daray, habkan kale ee maamulkiiba gacanta loo geliyey labada beelood. Lana baxay isbahaysiga Jeegaanta.
Muse Bixi oo ah hoggaamiyaha Jeegaanta, ayaa immiga uun ka war helay in wax badani ay ka qaldan yihiin, waxanu rabaa in uu khayaamo iyo taaktiko kale cayaaro, oo uu beesha Habar Yonis immiga soo dhaweeyo, taasi oo ah khiyaamo uu yaqaanno ama lagu yaqaanno askarta mititka ah. Laakiin runtu waa tii hore ee ku salaysnayd maamulka Jeegaanta. Waana la og yahay, maantana waxa Hargeysa ku wada shiraya oday dhaqameedyo iyo waxgarad ka soo jeeda
beelaha ka biyo diiday Jeegaanta iyo kuwa kale oo dhammaantood isaga kala yimid gobollada Somaliland.
Waxa kale oo uu Muse isaga oo aan 40 cashoba joogin faraha la galay arrimaha dhaqaalaha Somaliland oo xadhka goostay. Sharciyo aan soconayn iyo sidii uu doller u urursan lahaa ayaanu u tafa xaytay. Taasina waxa ay ku keentay in shacabka intii samirka badnayd immiga ka sii fogaadaan.
Dhinaca kale waxa ugu sii daran gobollada galbeed iyo bari ee Somaliland, oo aanu Muse Bixi maanta Muse farxad kala kulmayn. Sababtuna ay tahay sida uu og yahay ee uu dawladdiisa u dhistay, ee uu dalkiiba uga dhigay meel ay Jeegaantu dego, balse aanay cid kale la deggenayn.
Dagaallada ehliga ah iyo ka xuduudda ee u dhexeeya Somaliland iyo Puntland ayaa iyaguna ah kuwo la kawsaday maamulka Jeegaanta, oo aanay shacabka reer Somaliland ku faraxsanayn. Muse-na wax xal ah uma hayo, oo aan ahayn in uu sii huriyo dagaalkaasi.
La tashi la’aanta ummadda iyo deg degga amma fudaydka askari nimo ayaana ugu wacan sababta uu qaladaadka badan u samaynayo. Mas’uuliyadda culus ee uu boobka ku helayna, waa mid Ilaahay, ummadda Somaliland iyo caalamkuba kula xisaabtami doonaan.
Awdalpress





