Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada Federaalka Somalia ku casuumay inay ka soo qayb galaan shir ka dhici doona magaalada Garowe 20-ka bisha March sannadka 2018.
Qoraal ka soo baxay Madaxweynaha Puntland ayaa loo kala diray Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada Jubbaland, Galmudug, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed.
Kulanka ayaa lagaga wada hadli doonaa arrimo khuseeya danaha dowlad goboleedyada iyo guud ahaan kuwa dalka kaga aadan Golaha.
Shirkii u horeeyay ee lagu dhisay Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa ka dhacay bishii October ee sanadkii 2017 magaalada Kismaayo, xilligaasoo ay soo saareen war murtiyeed ku aadan xaalada dalka iyo khilaafkii dowladda Dhexe iyo dowlad goboleedyada.
Akhriso Qoraalka ka soo baxay madaxweynaha Puntland :

Awdalpress




