Awdalpress – London – Madaxweyne Muse Bixi ayaa maalintii shalay ahayd qado sharaf u sameeyey halgamayaashii UFO, oo ay ka mid ahaayeen DR. Mohamoud Sh. Hassan Tani, Abdi Ismail Duse, Mohamed Baarood, Mohamed Xasan Xaaji Aden iyo Ahmed Jabane.
Madashii hadhimada ahayd waxa markii danbe ay isku beddeshay kulan aad loogu sheekaysto, hadallo dhaadheer ayaana la is dhaafsaday. Iyada oo kooxda UFO ay hadalka u doorteen DR. Mohamoud Sh. Hasan Taani, oo isaguna halkii ka caddeeyey in ay diyaar u yihiin wada shaqayn ay la yeeshaan Madaxweynaha cusub, oo buu yidhi ah nin aan isku kacaan ahayn, oo aan garanaynayno….NIN AAD GARANAYSO OO MADAXWEYNE KUU NOQDAANA UU CID WALBA KAAGA DHAW YAHAY, MAGACAABISTIISUNA AY LA MID TAHAY ANNAGA OO LA NA MAGACAABAY.
Awdalpress







