Awdalpress – London – Hoggaanka sare ee beesha Dudub Cisman ee ku abtirsata beelweynta Jibril Yonis ayaa iclaamiyey shir weyne ay kaga tashanayaan aayahooda, kaasi oo ay xilligan u arkeen mid muhiim ah.
Waxa xilliyadan dambe aad u batay is beelaysiga hoos u sii socda amma sii sarrifmaya, taasi oo ay keentay tartanka iyo awood u kala badinta beelaha kuwada nool isla degaan keliya. Guud ahaana Somaliland ayey arrintani caam yeeshay.
Awdalpress





