Awdalpress – London – Kal-fadhigii 149aad ee Jaamacadda Carabta oo maanta ka dhacay magaalada Qaahira, ayaa lagu soo qaaday qodob khuseeya in la ilaaliyo xuduudaha iyo sharciga dawliga ah ee Somalia, qodobkan oo ka mid ahaa sagaal qodob oo maanta lagu gorfeeyey kal-fadhigaa. Waxa laga soo saaray in la taageero dacwadda Somalia u soo gudbisay oo ah mid sharci ah.
Qodobka khuseeyey Somalia ayaa ahaa dacwad ay dawladda Federalka Somalia u gudbisay golaha, iyaga oo ka dacwiyayey heshiiska ay shirka DP World iyo Ethopia ay la galeen maamulka Somaliland ee caalamku u aqoonsan yahay mid hoos yimaadda dawladda Somalia. EE aan lagala tashan madaxda Somalia.
Shirkan oo uu ka qayb galay wasiirka Khaarajiga Somalia ayaa madashaa ka akhriyey qoraal dheer oo uu arrintaa kaga hadlay.
Awdalpress





