Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

War deg deg ah: Wararka hordhaca ah ee ka soo baxay shirkii Barkhadleh ee Beelaha reer Maxamuud Nuur.

$
0
0

2X1M NUURbreakingnews.Awdalpress – Dilla – 20/09/2013 — Shirkii Barkhadleh ee Beelaha reer Maxamuud Nuur ay ku qabsadeen magaalada Dilla,  ayaa la soo gabagabeeyey maalintii Khamiistii ee ay bisha September ahayd 19ka sannadka 2013. Xalfaladdii gaba gabada shirkaasina waxa ka soo qayb galay dhammaanba salaadiinta beelaha Gadabuursi. Madashii shirkana waxa ay salaadiinta shirka ka soo qayb gashay ka jeediyeen hadallo ay ku bogaadinayaan shirka iyo beeshaba, Ilaahayna waxa ay uga baryeen in uu beesha siiyo waxa ay doonayaan ee wanaag ah. Dadweynihii xafladda joogay ayaa si rayn rayn leh u soo dhaweeyey martida iyo ka soo qayb galayaasha shirka, muddadii uu socdayna waxa agaasinka shirku u dhacay si heer sare ah.

Shirkan oo socday muddo usbuuc ah ayaa waxa shirka hoggaaminayey ergooyin odayaal ah oo ka kala socday Jufooyinka hoose ee beelaha Maxamuud Nuur, qodobbada lagaga hadlayna waxa ugu muhiimsanaa sidii ay beeshu u noqon lahayd mid urursan, oo yeelata hoggaan midaysan. Sidoo kale waxa aad loogu lafa guray arrimaha dhaqanka ee buddhigga u ah beesha, sida caymiska amma magalaha sidii loo habayn lahaa. Waxa dhinac la iska dhigay arrimaha xilligan qabiilooyinku ku mashquulsan yihiin ee ah Siyaasadda, waxana loo arkay in ay si fiican uga wada socoto dhinaca siyaasadda, isla markaana aanay wax farqiya ku lahayn. Qorshohooda siyaasadeedna aanu ku qurux badanayn in shir public ah oo isha lagu hayo lagu soo bandhigo.

Arrimhii shirka lagu soo qaaday ayaa waxa ka mid ahaa dib u eegis lagu sameeyey muddadii 25ka sano ahayd ee la soo dhaafay, sida  ay beeshu ula  daalaa dhacaysay ka soo kabashadii dhaawacii ka soo gaadhay dagaalkii sokeeye ee dalka ka dhacay. Magaalada Dilla oo saldhig u ihina ay ka mid tahay magaalooyinka illaa iyo immiga dunsan dhismahana u baahan.  Waxana ay dadka reer Dilli qabaan cabashooyin ay u soo jeedinayaan dawladda Somaliland maamulkeeda sare, maamulkaasi oo ay beeshu is tustay mid maanta tixgelin badan u haya dadka reer Dilla iyo degaanka ku xereeanba. Loogana fadhiyo in ay dhismaha magaalada qayb ka qaataan.

Si kastaba arrini ha ahaatee, waxa shirkani lagu xusay taariikhdii iyo dhacdooyinkii nololeed ay beeshu soo martay iyo wixii laga bartay, waxana ay hoosta ka xarriiqeen in laga fogaado wax kasta oo dib u dhigaya amma dhaawac gaadhsiin kara.

Beesha reer Maxamuud Nuur waxa ay deggen tahay albaabka laga galo gobolka Awdal, waxana ay shirkoodan kaga hadleen sida ay muhiim u tahay in beelaha ay jaarka yihiin ula yeelan lahaayeen xidhiidh walaaltinnimo iyo is kaashi, wax kasta oo xidhiidhkaa wax yeelayana ay ka hor tagaan.

Dhinaca ammaanka waxa ay beesha reer Maxamuud Nuur qorshaysatay in ay mar walba diyaar u yihiin difaaca beesha, degaanka iyo dalkaba, oo u dhimanayaan amma ka dagaallamayaan fal kasta oo karaamadooda iyo jiritaankooda dhib ku ah. Laakiin marnaba aanay suurta gal ka ahayn in ay duullaan iyo gardarro ula tagaan ummadaha kale.

Awdalpress.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles