Awdalpress – London – Somalia oo xilligan ka soo kabanaysa burburkii ragaadiyey mudddada dheer, isla markaana horumar badan ka samaysay dhinaca maamul daadajinta iyo amniga, sidoo kalena ay u hirgashay dhisidda maamul goboleedyo waafaqsan sharciga Federaalka Somalia, maamulkoodu uu hoos tago dawladda Federaalka. Ayaa cagaha saartay sidii ay dawlada Somalia si sharci ay maamulladaasi u wada shaqayn lahaayeen..
Dhibaatooyinka immiga hor yaalla dawladda jirtaana waa sidii ay sharciga caalamiga ah iyo ka gudahaba u kasban lahayd. Laakiin waxa hor yaalla dhibaatooyin caalami ah oo u badan fara gelin iyo dawlado doonaya in ay dusha ka maamulaan amma maamul goboleedyada oo isku arka in ay awood madax bannaan leeyihiin.
Dawladaha Federaalka ah sida ta Ethopia, waxa lagu yaqaannaa in ay dawladda dhexe maamusho siyaasadda dibadda iyo ta gudaha, sidaasi daraaddeed aanu jirin is-maamul u madax bannaan in uu heshiisyo la galo dawlado amma shirkado kale. Balse waxa immiga soo baxaya in ay Somalia jiraan maamul goboleedyo sheegtay in ay awood u leeyihiin heshiisyo iyo in ay duwalka caalamka la macaamili karaan.
Tusaale ahaan dawlad goboleedka Puntland oo shacabkooda iyo siyaasiyiintoodu mar hore isku tashadeen, ayaa waxa ay muddo dheer raadinaysey dawladnimo Somaliyeed, si taasi loo gaadhana waxa ay u fuushay geed dheer iyo mid gaaban. Immiga markii la helay iyaga oo shacab ahaan wax weyn ka soo qabtay, ayaa waxa soo baxaya aragti kale oo ah in aanay dawladnimo Somaliyeedba rabin, sida ay jecel yihiinna ay tahay in ay awood ka gaar ah yeeshaan.
BAL HADDABA SI AAN TAA U ARAGNO AAN AKHRISANNO MAQAALKAN HOOS KU QORAN EE LAGA QORAN MADAXWEYNE ABDIWELI OO DAGAAL CUSUB KU QAADAY SOMALIA IYO DAWLADDEEDA MUQDISHA FADHIDA.
Khamiis, April, 26, 2018 (HOL )- Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo warbaahinta caalamka kula hadlayay magaalada Dubai ayaa sheegay in Puntland u madax-bannaan tahay in ay gasho heshiisyo caalami ah sida uu dhigayo ayuu yiri dastuurka dowlad gobolleedka.
Madaxweyne Gaas ayaa meesha ka saaray in dowladda Dhexe matali karto guud ahaanba dalka Soomaaliya isaga oo yiri ‘’ Awooda dalka Soomaaliya oo dhan ma’aha mid ku Uruursan Muqdisho, ‘Soomaaliya ma’aha Muqdisho ‘ Muqdisha-na ma’aha Soomaaliya.
Abdiweli Gaas wuxuu sheegay in Puntland Somalia dhul ahaan ka tahay 3 meelood hal qeyb, dad ahaana ka tahay 4 qeybood hal qeyb, Puntland tahay dawladda kaliya ee saaran Badda Cas iyo badweynta India, Dastuurka Puntland qorayo in ay heshiisyo caalami ah geli karaan, kuna dhaqmayaan dastuurkooda, dawladda Soomaaliya go’aan ka gaari karin arimaha Soomaaliya.
Gaas ayaa sidoo kale shirkiisa jaraa’id ku sheegay in Imaaraadka uu yahay dalka kaliya ee taageera maamulkiisa islamarkaana yahay Imaaraadka dal ay wadaagaan Ganacsiga.
Waxaa uu sheegay in Imaaraadka uu kala dhaxeeyo xiriir dhinaca nabad-galyada ah, gaar ahaan la dagaalnaka tahriibka, argagixisada, burcad badeeda iyo waliba kalluumeysiga sharci darrada ah.
‘Heshiiska aan la galnay DP World waxaa uu noqonayaa maalgashigii ugu wanaagsanaa ama ugu ballaarnaa ee aan sameyno tan iyo markii ay bur burtay dowladdda dhexe ee Soomaaliya 1991kii’’ ayuu yiri Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo siweyn u amaanay doorka Imaaraadka ee Soomaaliya.
Maalgashiga shirkadda DP World ayuu ku tilmaamay mid hormar u keeni kara guud ahaanba gobolka, gaar ahaan shaqo abuur loo sameynayo Kumannaan dhalinyaro ah shaqa la’aantu heyso.
Shirka jaraa’id madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland ayaa imanaya waayadii ugu danbeeyayba cirka isku shareeray khilaafka dowladda federaalka Soomaaliya iyo Imaaraadka kaa oo ka soo bilaawday go’aankii ay dowladda Soomaaliya ka qaadatay khilaafka wadamada Khaliijka, hasse ahaatee xoogeystay tan iyo wixii ka danbeeyay markii ay dowladdu qabatay diyaar laga lahaa Imaaaraadka oo lacag malaayiin dollar ah ka soo dajisay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiiraan.com





