Awdalpress(Hargaysa) 17 Nov, 13–Mayirada 9 Degmo oo Somaliland ah ayaa Galabta Safar ugu baxay Dalka Tansaaniya oo ay casuumad ka Helen golaha deeganka Caasimada Tansaaniya, Maayiaradan ayaa ka kala Socday Magaalooyinka Hargeysa, burco, Boorama, Gabiley, Berbera, laascaanood, Ceerigaabo, Saylac iyo Caynaba waxanu Safarkoodu qadan doona Muddo 4Cisho ah.
Waxayna Galabta ka Dhoofeen Madaalka Cigaal Internation ee Magaalada Hargeysa.
Shirkaasi ayey ku tilmaamen in uu yahay mid qiime weyn ugu fadhiya Degmooyinka Somaliland, Wana markii ugu horeysay ee Tirro Maayiro ah oo intaasi leeg aySafar shaqo ugu baxaan Dalka Afrika.
Waaheen




