Dawlad deegaanka Soomaalida Ethoipia waxay ka mid tahay dawlad goboleedyada qowmiga ah ee Fedraalka Ethoipia, Nidaamka Fedraalka ee ka hirgalay Ethoipia 1991 badhtamihisii ee ku yimid dagaalkii dheeraa ee nidaamkii jiray ku rideen xisbiga talada haya ee EPRDF wuxuu noqday nidaam ay ku badbaaday qaranimadii dawlada Ethoipia, waxaana horumar ku gaadhay qowmiyado badan iyo gobolo badan oo nidaamyadii soo ka soo jiray Ethoipia ay badeen hagardaamo iyo gumaysi, habkan cusub ee Fedraalka Ethoipia wuxuu meesha ka saartay welwelkii in wadanka dib uga dhacaan dagaalo sokeeye oo ku salaysan qowmiyaad iyo qabaail, sidoo kale wuxuu meesha ka saaray in qowmiyad keli ahi ay ku dulnoolaato qowmiyadaha kale ee dalka.
Qowmiyada Soomaalidu inkasta oo aanay bilawgii curashada nidaamka si fiican uga faaiidaysan, hadana Sideedii sano ee u dambaysay waxay cagta saartay hanaan maamul oo ku hagay deegaanka xaqa uu siiyay dastuurka fedraalka Ethoipia, Maamulkaasi mudada 8 sano majaraha u hayay deegaanka oo uu hormood ka yahay M/weyne Cabdi Maxamuud cumar iyo Xisbiga XDSHSI waxay gaadhsiiyeen deegaanka Soomaalida horumar la taaban karo, waxay wax weyn ka qabteen dhanka nabadgelyada, dhismaha hay’adaha dawliga ah iyo ku dhaqanka sharciga dalka u yaal, dhismayaasha waxyaabaha Aasaasiga ah IWM, si guud marka loo soo koobana horumarkaasi sanadna sanad kuma darayo.
Hadaba wax walba wuxuu leeyahay Cadaw aan jeclayn horumarka shacabka iyo deegaanka ka socda, cadawgaasi oo raba in shacabka Soomaalida Ethoipia uu dib u celiyo, kuwaas oo wata Falsafado gaboobay oo ay ka dambeeyaan dalal shishiiye oo cadaw ku ah ethoipia, isla markaana aan jeclayn horumarka qowmiyada Soomaalida Ethoipa ay cagta saartay, hadaba kuwaasi waa kuwee? waa qaar wakhtigan ku sugan dalka gudihiisa iyo dibadiisa, laakiin indho dheer ay kula socdaan dawlada sare ee fedraalka ethoipia iyo dawlada deegaanka Soomaalida Ethoipia, waa kooxo marba shaadh gashada oo iska bedela shaadhkii hore loogu bartay, waa qaar nabad-diid, Nololdiid, Noole-Diid iyo Horumardiid iskugu jira isla markaana walwaalaya Afkaar dibusocodnimo oo salka ku haysa ku danaysi qabiil, mid kooxeed iyo mid diimeed, kuwaas oo dhamaanba danta ay leeyihiin tahay burburinta nabadgelyada iyo horumarka ka hirgalay DDSI, horumarka deegaanka oo ah horumar Ethoipia gaadhay, waxaa tusaale kooban inoogu filan kooxahaasi aan soo tilmaanay ee diidan horumarka Ethoipia iyo ka DDSI ee qaarkood ku sugan yihiin gudaha Ethoipia, in kooxahaasi oo magacyo kale sheeganayaa ay isla sawireen madaxdii ugu saraysay dalka, ka dibna ay ku faafiyeen meelo ay leeyihiin warar been abuur ah oo ay ku khalkhal geliyaan shacabka DDSI ee dalka gudihiisa iyo dibadiisa jooga, balse waxaa Arintaas si degdeg ah jawaab uga bixiyay madaxdii Fedraalka ahayd ee ay ka been Abuurteen, isla markaana sawirada la galeen.. halkan hoose ka Akhri Jawaabaha kooxaha isticmaala farsamada Magafayaasha la siiyay iyo dawlada fedraalka Ethoipia ula socoto dhaqdhaqaaq kasta oo ay wadaan….
Jawaabtii Uu Wasiirka Wasaarada Arrimaha Federaalka JDFI Siiyay Magafayaasha
Waxaam halkan idiinku haynaa mudane Kebede Jane oo ah wasiirka wasaarada arrimaha federaalka iyo marwo mufarihat kamil afhayeenka golaha wakiilada shacabka JDFI oo been abuurkii magafayaasha jawaab official ah kasoo saaray oo kusocota shacabka DDSI iyo cidkasta oo danaynaysa jawaabta masuuliyiinta oo udhigan sidan:-
Anigoo ah Wasiirka Wasaarada Arrimaha Federaalka Mudane Kebede Jane waxaan rabaa inaan kajawaabo been abuurka ay nimanka diasporaha ahi iga sameeyeen iyagoo xili aan shaqada xafiiska kasii baxayay banaanka ii istaagay oo iisheegay inay cabasho qabaan kadibna waxaan waydiiyay cabashadoodii, waxayna iisheegeen inay iyagu ugu horayn yihiin niman diaspora ah oo kacabanaya guryo iyo shirkado laxidhay iyo waliba suldaankii ladoortay. Sidaasdarteed, waxaan cadynayaa in jawaabta aan siiyay ay ahayd mid sharciga waafaqsan, waxaana usheegay cabashooyinka noocaas ah in ay deegaanka dib ugula noqdaan maadaama oo uu deegaanku yahay mid dastuur ku aasaasaan oo aysan cidina faragalin Karin, haday mucaarad yihiina inay iscadeeyaan. Waxa kali ah ee aan kuwada hadalay intaas ayuu ahaa. Waana runtay oo cabashooyinka noocaas ah deegaanada kaleba way kajiraan balse sixitaankeeda waxaa iska leh dawlad deegaanada. Kadib markaan kala dhaqaaqnay ayay si degdeg ah iiga codsadeen inaan sawir lagalo waana lagalay laakiin ma moodaynin inay been abuur igu samayn doonaan waxaase ii cadaatay in ujeedada kadanbaysay sawirka ay iga codsadeen ay ahayd inay been abuur iga sameeyaan.
Waxaa iyana dhankeed jawaab official ah oo cad halkan kasiisay magafayaasha afhayeenka golaha wakiilada shacabka JDFI marwo Mufarihat kamil iyadoo uhadashay sidan:waxaan rabaa inaan kajawaabo been abuurka ay iga sameeyeen niman iskadhigay inay yihiin xubno baarlamaanka Sweden ah. Waxayna arintu udhacday sidan: Markaan gurigayga ka afuray ayaa waxaan tagay xaflad qalinjabin ah oo nin aan asxaabnahay uu iga codsaday inaan kasoo qaybgalo kadib markay xafladii noo dhamaatay ee aan soo baxay ayaa nimankan oo xaflada agagaarkeeda taagan ayaa iiyimid waxayna idhaheen xubno baarlamaanka Sweden kamid ah ayaan nahaye barasho wanaagsan iyo kaalay sawir nalagal. masuuliyiintii kale iyo aniguba waxaan sawirada kulagalay inay yihiin xubno baarlamaanka Sweden kamid ah, balse anigu marnaba inay soomaali yihiin ma moodaynin haba ahaadaane inay been abuurka intaas le’eg ay iga samaynayaan kuma fikirin. Nasiibwanaagse wax ajande ah oo aan kawada hadalay oo intaas kabaxsan majiro.
FAALADA SHABAKADA
Awdalpress




