Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Ciidamada Mareykanka oo howlgal ka fuliyey Bari

$
0
0

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ayada oo la shaqeyneysa dowladda federaalka Soomaaliya ay duqeyn ka dhan ah Al-Shabaab ka fulisay meel 26 mile u jirta Koonfurta Galbeed ee magaalada Boosaaso.

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM ayaa sheegay in weerarka oo dhacay labadii June lagu dilay 27 argagixiso.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in weerarka aysan wax khasaare ah kasoo gaarin dad shacab ah.

AFRICOM waxa ay sheegeen inay sii wadi doonaan inay qaadaan tallaabooyinka ku habboon ee saxda ah, si loo ilaaliyo danaha dadka Mareykanka, loona baabi’iyo argagixsada.

Tani waxaa qeyb ka ah, ayaa lagu yiri qoraalka, in ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Amisom lagula midoobo howlgallada ka hortagga argagixisada, lana beegsado goobaha ay ku tababartaan ee Soomaliya iyo gobolkaba.

VOA


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images