Awdalpress – London – 17/11/13 – Shir ay albaabadu u xidhan yihiin ayaa maanta dhex maray hoggaanka Jaaliyadda Awdal iyo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Mudane Xirsi Xaaji. Kulankan oo ka dhacay galbeedka London ayaa ahaa mid isugu jira soo dhaweyn iyo is warsi, waxana nuxurka shirku ku salaysnaa horumarka dalka sidii la isaga kaashan lahaa, haddii ay noqon lahayd hanti iyo haddii ay noqon lahayd fikirba, waxana saacado badan lagu daalay doodo iyo afkaar goobtii la fadhiyey la isku dhaafsaday.
Intii fadhigani gaarka ahaa uu u socday hoggaanka Jaaliyadda Awdal iyo Wasiirka ayaa waxa si cilmiyeysan looga hadlay hannaanka ugu fiican ee loogu fikiri lahaa horumarka Somaliland iyo mashaariicda dhismaha waddooyinka, sida waddada Ceeri Gaabo iyo Burco isku xidha oo ay dhammaanba reer Somaliland uga wada qayb geli lahaayeen.
Jaaliyadda reer Awdal ee dalka Ingiriiskuna waxa ay wasiirka u ballan qaadeen in ay qayb lixaad leh ka qaadan doonaan dhismaha waddada Ceeri Gaabo iyo Burco isku xidha oo dhererkeedu dhan yahay 360 Mile.
Wasiir Xirsi oo hadal dheer kaga warbixiyey hawlaha ka socda Somaliland ayaa isna si aftahamo leh uga hadlay, arrimo badan oo ku wajahan dawladda Somaliland iyo horumarka dalka. Aad iyo aadna waxa uu u soo dhaweeyey afkaarta wax ku oolka ah ee ay duqayda Jaaliyadda Awdal u soo jeediyeen wasiirka, gaar ahaan waxa uu hoosta ka xarriiqay talooyin qiimo leh oo halkaa laga soo jeediyey.
Waxa kale oo isna madasha ka hadlay xildhibaan Ali Gebilay oo isna ku nuux nuuxsaday habka wanaagsan ee ay dawladda Ahmed Siilaanyo uga hawl gelayso horumarka dalka. Waxa kale oo uu aad uga warramay xaaladda maanta dalkii uu ku jiro, gaar ahaan gobollada Gebilay, Awdal iyo Salal.
Ugu dambayn waxa hadhimo sharafeedkan iyo wada hadalkan lagu soo gaba gabeeyey in si walaaltinnimo la isaga kaashado, horumarka iyo wax kasta oo ummadda reer Somaliland ka dhaxaysa.
Wararka kale ee shirkan la xidhiidha oo dhammaystiran iyo sawirro kalena waan idiin soo gudbin doonnaa, ee nala socda.
Awdalpress.com









