Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

“Isbeddeladan aan hore u dhicin”: Sidee Abiy u toosin karaa siyaasadda Ethopia

$
0
0

 

Qayb ka mid ah qoraal lagu daabacay joornaalka The Guardian ee ka soo baxa dalka Ingiriiska oo aan idiin soo akhriyey, luqadda Somaligana idiinku soo qoray.

———————————————————————————————————————————

Awdalpress – London – Abiy Ahmed, waa ra’iisal wasaaraha Ethopee, waxa uu kordhigay xawaarihii isbeddelka xag-jirka ah ee qorshayaashiisa, taasi oo si ballaadhan u af-ganbiyeysa siyaasaddii qallafsanayd, waana stratijiyad cusub oo muhiim u ah dawlad Afrikaan ah.

 

Illaa iyo intii uu xukunka ra’iisal wasaaranimo qabtay bishii Abril, Abiy isaga oo adeegsanaya qaab aan toos ahayn waxa uu shidaal amma dhiig cusub geliyey siyaasadda Ethopia raalli gelin karta, isaga oo adeegsanaya hibo madaxnimo iyo ficillo horumarsan. Tallaabooyinka noocan ahna waxa durba uu ku mutaystay in la bar bar dhigo hoggaamiyayaashii ay ka mid ahaayeen; Nelson Mandel, Justin Trudeau, Barack Obama iyo Mikhail Gorbachev.

 

Hoggaamiyahan 42 sano jirka ahi – waxa uu xukunka yimid markii Haile Mmariam Dessaleyn uu si la yaab leh u banneeyey kursiga, ee uu istiqaalada dhiibay. Abiy ayaana isla markiiba isbeddel ku sameeyey xukuumaddii xisbiga talada hayey, isaga oo weliba eryey madax lama taabtaan ah oo shaqooyin xasaasiya ka hayey dalka. Dhinaca kale waxa uu jaarkiisa iyo kuwii ay colaaddu ka dhaxaysey ugu baaqay in ay walaaloobaan, saxaafaddii iyo shabakadihii InterNetka ayuu xorriyad siiyey, maxaabiis aad u badan oo siyaasad u xidhinayd ayuu oogta ka qaaday ama xorriyaddoodii u soo celiyey, shirkadihii ay dawladdu maamulaysey ayuu amray in gaar loo yeesho amma lagu shirkadoobo sida Ethpoian Airlines iyo isaga oo laalay xaaladdii deg degga ahayd ee lagula degaallamayey kacdoonka dalka ka jiray.

 

 

 

Axaddii ( 8/07/18 ), waxa uu askarigan hore ( waa Abiye ) la kulmay madaxweyne Isaiah Afweki – ga Eritrea, kulankaasi oo ahaa fursad lagu soo afjarayo colaaddii ugu dheerayd ee laba waddan oo Afrikaan ahi isaga hor yimaaddeen. Labada hoggaamiye iyaga oo faraxsan ayey shafka isa saareen, muuqaalkaasi oo bilo horteed ahaa mid aan la filayn.

 

“Maaha in aad buun buuniso laakiin Ethopia, waa dal wax kasta loo qabto si qorshaysan, deggen ama lagu qabto maamul dariiqiisa haysta, isbeddelladanise waa kuwo u yimid si aan la sii qorshayn,” sidaa waxa yidhi Ahmed Soliman oo ka mid ah khubarada siyaasadda geeska Afrika ee xarunta London’s Chatham House.  ” Shaqadiisa ugu weyni waa in uu raalli geliyo dhammaanba kooxaha kala wada jinsiyadaha ah ee dalka. Taasina waa mid aan suurta gal ahayn laakiin waa uu isku dayayaa isaga oo adeegsanaya kalgacalo iyo xiisaha loo qabo.”

 

 

Sida ay hay’adda lacagta dunidu ( International Monetary Fund ) qiyaastay Ethopia waa dal xawliga dhaqaalihiisu uu aad u dheeraynayo markii la bar bar dhigay waddammada sub- Sahara Afrika sannadkii 2018 ka.

 

 

Wariyaha Addis Ababa saldhigiisu yahay ayaa tibaaxay ” Masiibada iyo walaahowga ku habsaday Ethopia” isaga oo dhanka kale ku sheegay in ra’iisal wasaaraha cusubi dalka ka badbaadiyey masiibadaasi ” dib ayuu dalkii uga guray odxihii”.

 

 

Ethopia waxa ay wajahday lacagta adag oo ku yaraatay, si ku meel gaadh ahna waxa xal ugu noqotay deeq iyo dayn lacaga ah oo ay United Arab Emirates-ku u keeneen.

 

 

 

Kooxo kala wada dan ah ayaa sannaddadii ugu danbeeyey xuurto ku haystay in ay xukumaan awoodda iyo dareenka shacabka iyaga oo aan haddana heshiis ku ahayn, taasina waxa keentay kacdoon ballaadhan oo ay da’yartu kala hor yimaaddeen dawladdii ka horreysey tani Abiy. Ugu yaraanna tirada shacabka Ethopia 70%  ayaa ka yar 30 jir.

 

 

“Da’yartu waa xoogga ugu fir-fircoon ee aadka uga muuqda koriinka dalka. Immiga waa in moodeel cusub loo sameeyo horumarinta dhaqaale ee Ethopia, taasina waxa ay ku iman kartaa iyada oo fursado shaqo loo sameeyo dhallinta maaddaama la tixgeliyey siyaasad ahaan iyo xorriyadda waddaniga,” sidaa waxa yidhi Befeqadu Hailu oo ahaa mulkiilaha blogger muddo u xidhnaa qoraallo uu ku taageeri jiray democracy-ga,  da’diisuna ahayd 37 jir.

 

 

 

Abi waxa uu raalli gelin ka bixiyey tacaddiyadii dhacay Ethopia, in ay arrintaasi dhammaatay ayuuna ballan qaaday.

 

 

 

“Weligay waxan ku noolaa cabsi laakiin immiga dareen cabsi la’aaneed ayaa I galay, gaar ahaan marka aan wax qorayo,” sidaa waxa yidhi Hailu. ” Maaha uun kalmado …..xilliga uu kalmadahaasi ku hadlayey waxa is beddelay ciidammada sirdoonka iyo dhaq dhaqaaqoodii lagu yaqaannay.”

 

 

Iyada oo ay sidaasi tahay dadaalka Abiy waa weli. Bishii hore waxa la isku dayey in garnayl lala eegto mar uu ka hadlayey isku soo bax si weyn looga shaqeeyey, oo uu ka hadlayey. Isku soo baxaasi oo ka dhacay Addis goobta loo yaqaan Vas Meskel Square, ayaa taageerayaasha isbeddel doonka ahi dhagaha u raaricinayeen hadallada miidda ah ee ka soo yeedhaya Abiy. Muuqaallada dadku ay wateenna waxa ku qorraa ” one love, one Ethopia”. Goobtaa maalintaa waxa uu garnaylkii dhilay laba qof 150-na way ku dhaawacmeen laakiin waxa loo qabtay dadkii ka danbeeyey.

 

 

 

“Is jacaylku wuu guulasytaa. Kuwa dadka dilana waa laga guulaystaa. Kuwa isku dayaya in ay na qaybiyaan, waxan idiin sheegayaa in aydaan guulaysan doonin,” Abiy oo dadka la hadlay ayaa qaraxii kadib sidaa yidhi.

 

Qayb ka mid ah qoraal lagu daabacay joornaalka The Guardian ee ka soo baxa dalka Ingiriiska oo aan idiin soo akhriyey, luqadda Somaligana idiinku soo qoray.

 

Qaybta kalena la socda

 

Ahmedweli Goth

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images