Siyaasadda cusub ee Ethopia iyo saamaynta ay ku leedahay gobolka Ismaamulka Somalida Ethopia.
Isbeddelada siyaasadeed ee uu wado ra’iisal wasaaraha dalka Ethopia Dr Abiy Ahmed ayaa weli u socda dhinaca toosan, inkasta oo gudaha Ethopia laga soo sheegayo isku dhacyo qawmiyadeed oo dhiig ku daatay. Welina ay shaqaaqooyin ka socdaan magaalooyin ay ka mid tahay Mooyaale. Haddana dhinaca kale waxa mudane Abiy u qabsoomay hawlo mug leh oo ay ka mid yihiin heshiiska Eritrea iyo siyaasadda dibadda ee daneeyayaasha Ethopia oo uu intooda badan meel ku hubsaday.
Dhinaca kale waxa uu Dr. Abiy Ahmed wadaa hawlo uu ku xoojinayo dhaqaalaha dalka, inkasta oo ay catabado badanai hor yaallaan. Balse shacabka mandiqaddu ay ku faraxsan yihiin heshiisyada dekedaha ee uu la galay ama la geli doono Eritrea, Djabouti iyo Somalia. Inkasta oo heshiisyadaasi midha dhalkoodu ay qaadanayaan sannaddo badan oo aan ka yarayn 20 sano. Gaar ahaan heshiisyada la filayo in si rasmi ah uu ula galo Somalia. Laakiin isha immiga u nuguli ay tahay uun dekedaha Djabouti oo macaamilkoodu uu aad u socdo.
Arrimaha maal gashiga Ethopia ee heer caalami ayaa hay’adaha waaweyn ee reer galbeedku ay weli ka gacmo laaban yihiin, halka uu waddanka China diyaar u yahay in uu shaqooyin waaweyn ka qabto dalka Ethopia oo kale ah. Sababta ay World Bank iyo African Banka oo kale mashaariic uga fulin la’yihiin sida ay Kenya iyo waddammo kale uga fulayaan ayaa ah mid la xidhiidha shuruucda dalka Ethopia oo aan fur furrayn amma gabi ahaanba gacanta ugu jirta xukuumadda Ethopia. Ta isbaddalka dhabta ah u baahanina ay tahay in shuruucda xakamaysan la fur furo, sida lahaanshaha gaar ah ee dhulka oo aanay shacabka ama shirkadaha gaar loo leeyahay aanay dhul yeelan karin.
Isbeddelka xilligan ee siyaasadda guduhuna waxa ay ku kooban tahay uun dhinaca xorriyatal qawl ka iyo saxaafadda. Amma aan nidhaahnee sida loola macaamilo dadka xidhan amma danbiyada lagu soo oogo. Arrimahaasi oo ay xukuumadihii hore ula macaamili jireen si aan caadi ahayn, oo bani’aadamnimada amma shuruucda caalamiga ah ka baxsan.
Saamaynta ay siyaasadda cusub ee Ethopia Somalida ku leeday waa mid khatar loo arki karo, lagagana bixi karo si Somalinimo, waxana aan shaki ku jirin in mawjado shacab ah oo cadhaysani ay mar kaliya ku soo butaaci karaan dhulyawga Somaliyeed. Shacabka Somaliyeedna ay yihiin kuwo iyagu isku jeeda. Laakiin dhinaca kale waxa dhici karta in haddii Dr.Abiy uu wada shaqayn fiican la yeesho madaxda gobollada Somalida iyo Oromo uu ammaanku wanaagsanaan doono. Haddiise uu madaxda kala beddelo ay ka sii dari doonto.
Shirka lagu qabtay Brussels ee lagaga hadlayo dahana Somalida.
Shirkani maaha mid sida la moodayo ah, waana shir lagu qiimaynayo amma lagu daraasaynayo heerka uu marayo maamulka Somaliyeed ee walaaca laga qabaa iyo waxa u qabsoomay intii u dhaxay shirkii hore iyo kani immiga lagu gudo jiro. Sida shirka ka muuqatana waxa aan weli kalsooni badan lagu qabin awoodda dawladda dhexe, taasi ayaana keentay in Madaxeynayaasha maamul goboleedyadu ka soo qayb galaan shirkan, iyaga oo u muuq eg awood la siman dawladda dhexe.
Ajandaha shirkan ee ay Somalidu isha ku hayso ayaa isagu ah mid ku wajahan deeqaha dhaqaale ee Somalia la siinayo iyo sida ay u qaybsanayaan, hase yeeshee beesha caalamku taasi mid ka geddisan ayey qabaan. Madaxda Somaliyeed ee shirka lagu casuumayna maaha kuwo fahmi kara ujeeddooyinka loogu yeedhay, aqoon ahaanna way ka hooseeyaan heerka ay kula xaali karaan madaxda caalamiga ah ee ay is hor fadhiyaan.
Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ee UCID ( Somaliland ) mudane Faysal Cali Waraabe iyo ka qayb galka shirkani.
Muuqaalka ay Faysal iyo ka qayb galka shirku bixinayaa waxa ay leedahay laba weji.
- Mid siyaasadeed oo beesha caalamka u muujinaya in khilaaf ka jiro Somaliland, oo ay mucaaridku diyaar u yihiin in ay shirarka Somalida ka qayb galaan ama aanay Somaliland sidaa u fogayn, doonayaanna in ay wax la qaybsadaan maamul goboleedyada. Taasi oo ay u guuxeen dadka taageera midnimda Somalida ee reer Somaliland iyo kuwa dhex dhexaadka ahiba. Halka ay ka soo hor jeedaan dadka aadka u taageera gooni isku taagga Somaliland.
- Aragtida kale ee la qabaa waxa ay daarran tahay shakhsiyadda Faysal, oo ay dad badani u arkaan in u dhaqmayo si ASAL MADOORSHE AH. Sidaasi daraaddeed ay sugayaan waxa uu ka keeno shirkaasi.
Su’aasha la isweydiinayaase waxa weeyi, sida ay aragtidu noqon lahayd haddii uu ABDIRAHMAN CIRRO uu ka soo qayb gali lahaa shirkan, sida Somaliland looga arki lahaa?
Shirka Ceel Afweyn iyo ergooyinka ka qayb galay waxa ay soo kordhin karaan.
Dad badan oo reer Somaliland ah ayaa soo dhaweeyey dhex dhexaadintaa labada beelood. Laakiin dad badan oo aad ugu xeel dheer dhaqanka Somaliyeed gaar ahaan dhaqanka reer guuraaga ah ayaa tibaaxaya in AAR-GOORSIGU yahay mid ku salaysan shaqsi amma qoys hoose oo aano tirsanaya, ergooyinkuna taasi aanay waxba ka qaban karin, waxase dhici karta bay leeyihiin….. shirka dabadii la arko dilal lagu kala aar-goosayo oo dhaqankaasi geellayda salka ku haya. Laakiin dhinaca kale waxa ay dadkaasi aamminsan yihiin in dadka sida beelaysan isku abaabulay amma malleeshiyaadka ay ergooyinkani kala badbaadiyaan.
Xiisaha loo qabo culimada iyo wax-garad badan oo kale iyo hadallada macaan ee xikmaddu ku jirto ee ay akhriyayaan ayaa iyaduna dab damis u noqon karta shaqaaqada xilligan xalkeeda lagu jiro. Sheekase waxa ay taagan tahay marka loo kala baxo beelaha walaalaha ah ee macna darrida isku dilaya ama ragga badan iska laayey. Ee ergooyinku ay hadalkooda ku soo afjaraan XABAAL IYO NINKEED LOO KALA TEG.
Dagaalka qabaw ee ka socda galbeedka Somaliland ee saami qabysiga daarran iyo siyaasiyiinta galbeedka qaar ka hor yimid ujeedkooda.
Gobollada galbeedka waxa muddaba laga maqlayey qaylo dhaan la xidhiidha caddaaladda, wax wada lahaanshaha, in badanna waxa qoraal iyo dhawaqba lagu soo bandhigay in dib loo saxo saami qaybsiga, oo wax weyn laga beddelo 13 xildhibaan ee ugu jira golaha shacabkas.
Waxse la yaab leh:
Dadku in ay xaquuq ka maqan u doodaan waa mid degaan kasta taalla, waa midda loo shirayo amma hadh iyo habeen laga wada hadlayo. Waxase la yaab ah in marka ay xildhibaannadii shacabku ka hadlaan danta ummaddooda, uu siyaasiga degaankoodu uu taasi u arko in aanay isaga dan u ahayn, sidaasi daraaddeed uu dantiisa ka dhex raadiyo CABUDHINTA DADKIISA amma uu dhinaca saaro dad kale oo ka soo hor jeeda aragtida xidhibaannada dadkooda u doodaya.
Laakiin shakhsiga siyaasiga ah ee is xakamayn kari waaya, ee dantiisa ka hor mariya ta shacabkiisa, waxa u danbaysa sumcad xumo iyo in uu aakhrika wajaho nolol saamayn ku yeelata isaga, qoyskiisa iyo iyo iyo. Shakhsiyaadka noocaasi ku sifoobaana waxa ay dhabarka saaraan amma saaxiib la ah kuwa ugu liita dadka kale. Waana dhaqan NA’IIFNIMO.
Awdalpress





