Awdalpress – London – Qorba joog iyo qol qol joog ka soo jeeda degaannada Dilla ayaa iska kaasha sidii ay u horumarin lahaayeen baahiyaha aasaasiga ah ee degmada Dilla. Waxana ay ku bahoobeen ururka la magac baxay BURDI COMMUNITY NETWORK. Maanta/shalay oo ay bishu tahay 25/ 07/2018 ayaa ay dhagax dhigeen dhisme loogu tala galay in bukaanka la jiifiyo, oo qayb ka noqon doona cusbatalka weyn ee ku yaalla magaalada Dilla.
Aalaaba qurba joogta ka soo jeedda degmooyinka Dilla, Idhan, Baki iyo degaannada hoos yimaadda, ayaa muddo sannado ahba ku hawlanaa in ay dadkooda ka caawiyaan baahiyaha aasaasiga ah sida, caafimaadka, biyaha, waxbarashada iyo xaaladaha adag ee dabeecaddu keento. Sidoo kale waxa iyaguna kaalin mug leh ka qaata qol qol joogta oo maamulka iyo maarayntaba si fiican u fulisa. Laakiin waxa ay shacabka degaannada bariga Awdal weli tabayaan deeqaha beesha caalamku ugu deeqdo Somaliland oo aanay waxba ka soo gaadhin iyo maamulka Hargeysa oo aan haba yaraatee kaalintii ay ku lahaayeen ay weli maqan tahay.
Awdalpress






