Awdalpress – London – In la yidhaa isbeddel ayaa Ethopia ka dhacay…… waa sheeko weli u baahan in wakhti la siiyo, hadallada xilligan socda amma Dr. Abiy siyaasaddiisu xaradhaaminaysaa maaha mid immiga ah ee waa mid sii saadaalinaysa isbeddelka mustaqbal ee ay Ethopia u baahan tahay. Wakhtiga xaadirka ahna waxa socda hadal iyo dood ujeedkeedu yahay jihadii ay siyaasiyiintu u dhaqaajin lahaayeen shacuubta kala qaybsan ee Ethopia ku wada nool, oo ay xilligan hortaallo caqabado aad u fara badan. Wakhiga isbeddelka dhabta ahi bilaabmi doonaana waa laba sano kadib marka doorashada la galo.
Dr. Abiy waxa uu weli ku mashquulsan yahay sidii waddammada ku xeerani ay khilaafaadkooda u hagaajin lahaayeen amma degmada bariga Afrika ay si nabad ah ugu wada noolaan lahaayeen mandiqadda, horumarkoodana uga wada shaqayn lahaayeen. Laakiin arinta noocaasi ahi maaha mid habeen iyo dharaar lagu gaadhi karo. Waxase ay u baahan tahay in si qunyar socod ah lagu wajaho, si wada jir ah looga wada hawl galo, iyada oo mar walba la dhawrayo nabadgeliyada.
Siyaasadda arrimaha gudaha Ethopia ayaa iyaduna wakhtigan u eg mid caqabado iyo dhibaatooyin la tacaalaysa, waxana la arkayaa in qawmiyadaha Oromada iyo Somalida oo kale uu khilaaf dhiig ku daatay u dhex yaallo. Taasi oo aan loo baahnayn. Sidoo kale waxa jira dhagaro loo geystay shakhiyaad hoggaaminayey qaarka mid ah mashaariicda halbawlayaasha u ah Ethopia ( Simegnew Bekele, the chief engineer of the $4 billion Grand Renaissance Dam, ninkaasi oo la dilay Khamiistii ay taariikhdu ahay July 26 ). Arrimahaasi iyo kuwo kale oo qarsooni qayb kama aha isbeddelka wanaagsan amma taban ee ay shucuubta Ethopia ku faraxsan yihiin.
Dhinaca kale waxa intii muddo ahba iyaguna dalka ku soo qulqulayey shakhsiyaad sheegta in ay isbeddel doon yihiin, ay hoggaamiyaan Jabhado ka soo horjeeda Ethopia amma kooxo mucaarid ah. Shakhsiyaadkaasi oo si waalli ah u bilaabay in ay shacabka Ethopia amma qoymiyadaha Ethopia qaarkood khal khal geliyaan. Iyaga oo ka faa’iidaysana odhaahaha Dr. Ahmed Abiy ee fasaxaya in xor loo hadli karo, mucaarid iyo muxaafidna la doodi karo. Inkasta oo durba ay dadkaasi mucaaridka ahi xaqiiqsadeen in aanay fursadi uga bannaanayn khal-khal gelinta shacabka Ethopia.
Tusaale ahaan waxa muddaba magaalada Addis Ababa soo gaadhay shakhsiyaad Somali ah oo ay qaarkood ka yimaaddeen Yurub, Australia amma USA, kuwaasi oo aanay qaarkood weligood shaqaysan amma ay danbiyaba kaga jiraan system-yadii ay kaga noolaayeen waddammada ay ka yimaaddeen. Waxana ay soo raaceen guuxa amma wararka sheegaya in isbeddel cusubi ka curtay Ethopia. Laakiin waxa mid lala yaabo ah, ashkhaastaa oo durba clip-yo hadal ah u soo diraya dadka qabiilka u qaybsan ee ku sugan qurbaha Yurub iyo America, iyaga oo ku andacoonaya in ay shirar qabanayaan si ay isbeddelka ula saan qaadaan. Inkasta oo ay qaarkood dhaqaale xumo uba joogi kari waayeen hotellada Addis Ababa iyo Diridhaba. Halka qaarna ay ogaadeen in xaqiiqada jirtaa ay ka geddisan tahay ujeedkooda.
Xaalka Ismaamulka degaanka Somalidu waa mid caadi u socda, kala danbayntii iyo sharcigiina uu halkiisii yahay. In uu ka sii fiicnaado maahine aanay jirin wax looga baqaa. Ammaanka degaankuna uu ku jiro faro aammin ah, oo aan looga baqayn in cabsi. Qawmiyadda Somalida ayaa waayeelkoodu ay aad uga fekerayaan sidii iyaga oo mid ah ay immiga ay u wajihi lahaayeen siyaasadda cusub amma sidii ay ula tartami lahayd qawmiyadaha kale degaannada kale.
Sidoo kale waxa mudda laba sano kadib ah la guda geli doonaa amma la isku diyaarin doonaa, doorashada madaxnimo ee xisbiyada, maamullada degmooyinka iyo hoggaanka sare. Balse intaa ka horreysa, wax walliba waxa ay u shaqayn doonaan sidii caadiga ahaa.
Awdalpress





