Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Xukuumadda Federaalka Ethopia waxa ay ku guulaysatay in uu Madaxweyne Abdi M Omer is caslio. Waase kuma ninka lagu beddelay?

$
0
0

Awdalpress – London – Is faham waa muddaba ka dhex taagnaa Madaxweynihii Killalka 5aad ee is casilay iyo xukuumadda Federaalka Ethopia ee cusub, ayaa sababay in ugu danbayn uu Abdi M Omer is casilo. Ka hor is casilaadda ayaa waxa sifo qaldan u soo hujuumay cutubyo ka tirsan ciidan dawladda federaalka Ethopia. Laakiin isku daygaasi xoogga lagu muquuninayey waa uu socon waayey, waxana ka dhashay kacdoon iyo rabshado sababay dhimasho iyo boob.

 

Hase yeeshee markii danbe waxa loo soo noqday habka sharciga ah iyo dariiqa lagu ridi karo Madaxweynaha ee uu dastuurka Federaalku jideeyey. Waxana lagu guulesytay in uu Abdi M Omer xafiiska banneeyo, baddalkiisiina la doorto wiil da’yar oo ls yidhaa Ahmed Abdi Mohamed ( Ilka case ) oo awalba xukuumadda Jig Jiga ka tirsanaa.

 

Isbeddelkani waxa uu meesha ka saaray kacdoonkii iyo mucaaridkii qurba joogta u badnaa oo faa’iidada ay heleen ay tahay in Abdi M Omer uu ka dego hoggaanka degaanka Somalida. Laakiin aanu sharcigu u oggolayn in ay iyagu majaraha u qabtaan hoggaaminta degaanka.

 

Haddaba maalintii shalay oo ay BBC du la yeelatay waraysi xooggan ayaa waxa hadalladiisu u ekaayeen, wiil adag oo hoggaanka u qaban kara Killilka 5aad.

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images